WAJAALE NEWS

Warqad Orod Yahankii Caanka ahaa Maxamed Cali Kalay Uu u Qoray Nelson Mandela Oo La Helay Iyo Qadarka Lacageed Ee Lakalasiistay

Warqad saxiixan oo feeryahankii geeriyooday Maxamed Cali uu u qoray madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Nelson Mandela ayaa lagu iibiyay £7,200 oo pound.

Warqadda ayaa ahayd Tacsi uu Maxamed Cali u diray Mandela oo uu uga tacsiyeynaayay mid ka mid ah hogaamiyayaashii la dagaallnkii midab-kala sooca oo geeriyooday.

Warqadda waxaa la qoray 1993-dii. Waxaana lagu iibiyay si xaraash ah.

Ninka iibsaday warqadda, Andrew Aldridge, wuxuu yiri: “Waa sax in la dhoho Maxamed Cali wuxuu ahaa feeryahankii markastaa ugu wanaagsanaa caalamka. Nelson Mandela na wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa caalamka.”

Henry Aldridge iyo Son oo iibiyay warqadda waxay sheegeen inay filayeen in Mareykanka gudihiisa looga gato inta u dhexeysa £6,000 iyo £8,000 oo pound.

Warqadda waxaa qeyb ka ahayd sharaxaad ku saabsan sida ay ku dhacday in magaca Maxamed Cali uu qaldo caawiyihii qoray oo hadda ah qofka iibiyay

Exit mobile version