WAJAALE NEWS

War Naxdin Leh:Laba Wiil Oo Isku Adeer ah Oo Dablay Hubaysan Maanta Si Fool Xun Xun Ugu Dileen Tuulada Faras Cawlo Ee Gobolka Sool

Hargeysa(Wajaalenews) Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool  ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay dil fool xun ugu gaysteen deegaanka Faras-cawlo oo ka tirsan gobolka Sool isla markaana ah xuduuda u dhaxaysa dawlada Somaliland iyo Itoobiya laba wiil oo dhalinyaro ah isla markaana sida la sheegay isku adeer ah.

 

waxaana sida naloo xaqiijiyay labadan wiil da’doodu kala ahaayeen 19 iyo 9 jir,waxaana dilkani ka dhacay tuulada Faras-cawlo oo ah xuduuda u dhaxaysa dawladaha Itoobiya iyo Somaliland waxaana ay sidoo kale u dhaxaysa deegaanada Dharkayn Geenyo iyo Badco. Labadan wiil ayaa ay dableydani dilkooda u adeegsadeen sida naloo sheegay Toorey iyaga oo mid ahaana caloosha kasoo ridey,waxaana loo aanaynayaa inay dilkan loo gaystay labadan wiil ee dhalinyarada ah daba socdo aano qabiil iyo dagaalo dhawaan deegaanada koonfurta gobolka Sool ku dhex maray laba beelood oo deegaanadaasi wada daga.

 

Ciidamada booliska Somaliland iyo ciidamada dawlada Itoobiya ee xuduuda ku sugan ayaa naloo sheegay in baadi goob iyo raacdayn ugu jiraan sidii ay usoo qaban lahaayeen dableydaas falka foosha xun ku kacday ee khaarajiyay labadan wiil ee dhalinayarada ah. Badhasaabka gobolka Sool oo aan isku daynay inaan al xidhiidhno ayaanay noo suurto galin telefoonkooda gacanta oo ay naga qaban waayeen agweed.

 

 

Ugu dambayntii falkan ayaa shalay ka dhacay deegaanka Faras-cawlo ee sida arxan darada ah loogu diley labadan wiil ee isku adeerka ah ayaa laga cabsi qabaa inay sababto colaado kale oo dib uga soo istaadhma deegaanada koonfurta gobolka Soo loo ay hore uga dhaceen shaqaaqooyin khasaare badan sababay.

 

Exit mobile version