WAJAALE NEWS

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo London Ka Sheegay In Dad Qaraxyo Argagixiso Ka Geystay Muqdisho Ay Ka Tageen Somaliland

London, (wajaalenews) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo khudbad ka jeediyay jaamacadda London School Of economics, ayaa weerar dhanka Afka ah ku qaaday Somaliland, waxaanu sheegay in Dad Weerarro Argagixiso ka geystay Soomaaliya ay dhammaantood ka tageen dhanka Somaliland.

Wasiir Hadliye oo Dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan Mabda’a Soomaali-weyn, ayaa si cadho leh uga jawaabay Su’aalo ay waydiiyeen Dhallinyaro Reer Somaliland ah oo ka qayb-galay dhageysiga Khudbadda uu ka jeediyay Jaamacadda London School Of economics.

Wasiirka oo ugu horeyn la waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa siduu u arko in Somaliland oo Muddo dheer Nabadgalyo iyo horumar samaynaysay u dabaal-degto 25 Guurada Madax-bannaanideeda iyo inuu u muuqdo Xal aan ahayn in Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan laba Waddan oo jaar ah, ayaa ku jawaabay, “Soomaaliyaa waa Mid. Nabadda Somaliland haysatana Puntlandba way haysataa, markaa Midnimada Soomaaliya waa lama taabtaan.”

Muwaadin kale oo Reer Somaliland oo Magaciisu yahay Cabdirisaaq Dagane, ayaa Wasiirka Waydiiyey su’aal u dhignayd, “Wasiir, Wareysi aad dhawaan siisay Idaacadda VOA waxaad ku sheegtay inaan Somaliland ahaaneyn. Taa Macnaheedu ma wuxuu noqonayaa inaad Somaliland ku soo weeraraysaan Ciidammada AMISOM?.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo su’aashaa ka jawaabaya, ayaa yidhi, “Haddayna Koonfurtu nabad ahayn, Somaliland nabad waarta ma helayso”

Wasiirka oo jawaabta Su’aashaa sii faahfaahinaya, ayaa sheegay, “Ogsoonow, Ninkii Hoggaamin jiray Al-shabaab Godane wuxuu ka soo jeeday Somaliland, kii Huteel Al-jazeera qarxiyay wuxuu kasoo jeeday Somaliland, kii diyaaradda qarxiyay wuxuu ka soo jeedaa Somaliland, markaa Koorfur hadday nabad noqon waydo Somaliland nabad ma ahaanayso, waana hubaal.”ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar

Exit mobile version