WAJAALE NEWS

War-Degdega:Dhalinyaro Budhcad ah Oo Mindiyo Ku Hubaysan Oo Maanta Weerar Ku Soo Qaaday Xaflad Xisbiga Wadani Uga Socotay Hotel Mansoor

Hargeysa(Wajaalenews)Koox dhalinyaro abaabulan ah oo aan ilaa hadda haybtooda la aqoonsan ayaa weerar ku soo qaaday goordhawayd  Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka socotay Xaflad uu Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayey Tagaarayal tiro badan oo ku soo biirayey xisbiga kana soo diga rogtay xisbiga KULMIYE.Wwaxaana ay kooxdan abaabulani khasaare soo gaadhsiyeen gaadiid kala duwan oo barxada huteelka yaalay oo ay lahaayeen dadkii xaflada kasoo qayb galay iyo dad huteelka joogayba.

Kooxdan  dhalinyarada ah  ayaa  ku hubaysnaa dhagaxaan,mindiyo iyo budhadh, balse ciidanka illaalada huteelka maansoor ayaa iska caabiyey dhalinyaradii weerarka soo qaaday, isla markaana waxay u diideen inay gudaha huteelka  soo galaan,waxaana halkaasi ay dhalinyarada bilaabeen inay dhagaxaan hadhka kaga dhigaan hudheelka iyo ciidankii ilaada hudheelka,
Dhanka kalena waxa goordhawayd si habsami ah u soo dhammaatay xafladaasi uu xisbiga WADDANI ku soo dhaweynayey taageerayaasha ka soo digo rogtay Xisbiga KULMIYE,

Gabagabadiina maaha markii u horey ee dhalinyaro noocan oo kale u abaabulan isla markaana hubaysani ay soo weeraraan xaflado ay qabsanayaan xisbiga WADDANI.

 

Exit mobile version