Hargeisa(W.N):- Maxkamada Gobolka Maroodijeex Ayaa Xukuno Kala Duwan Ku Ku Riday 6 Lix-kaaliye oo Afartii Bilood Ee u Danbeeyey Ku Xidhnaa Magaalada Hargeisa, Waxaana Ka Garnaqa Dacwadan Oo Muddo Soo jiitamayey Saaka Lagu Dhawaaqay Go’aanka Kama Danbeysta Ah ee Xukunka,
Lixdan Kaaliye Ayaa Ka Tirsanaa Maxkamada Rafcaanka Ee Gobolka M/jeex, Waxaana Hore loogu eedeeyey Facebook Been Abuura Oo uu Ku Qoran Yahay Magaca Gudoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka M/jeex Cali Suudi Diiriye Kaas oo Sida La Sheegay Lagu Faafiyey Warar Iyo Qoraalo Been Abuura, oo iska Horkeenaya Bahda Garsoorka,
Waxaana Eedaha Ay Xafiiska Xeer Ilaalintu Kusoo Oogtay Kaaliyayaashan oo Dhamaa (10) Toban Eedood, sida Lagu Faahfaahiyey Xaashida eeda, ayaa Muddo Hadaba Markii Ay Maxkamadu Dhegaysatay Danbiyada Lagu Soo eedeeyey Kaaliyeyaashan, Xafiiska Xeer Ilaalintana Lagu amar Inay Soo Cadeeyaan Eedan Ay kusoo Oogtay,
Waxaa iyaguna Dhankooda Iska difaacay Eedahaasi loo Soo jeediyey Kaaliyayaashan Sheegay Inaaney habayaraatee Jirin Wax Danbiya Oo ay Qabaan aaney jirina eedahaasi lagu soo eedeeey.
Hadaba Xukunadan Saaka Ay Soosaartay Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Kala Duwanaa Ayey ku Sheegtay In Sagaal Kamida Tobanka Danbi ee Xafiiska Xeer Ilaalintu Ku Soo eedaysay lagu Waayey Kaaliyayaashan Halka Mid Kamida Lagu Helay Sida Ay Sheegeen,
Waxaana Maxkamadu Xukuno Kala Duwan Ku Riday Afar Kaaliye Oo ka mid Ahaa Lixda Kaaliye, halka laba kamida ay dib ugu soo celisay Xoriyadoodii.
Waxa Ay maxkamadu Xukuno Min Lix Bilooda Ku Xukuntay Saddexda kaaliye ee Kala Ah
1- Cabdinuur Ibraahim Maxamed
2-Layla Siciid Aadan
3- Hana Xassan yuusuf
Waxaana Sida uu Sheegay Garsooruhu maxkamadu u cuskatay Qodobka 269 oo Ah Buu Yidhi Aflagaado garsoore, Xeerka Ciqaabta Guud inay qoraalo Aflagaado ah Isku Waydaarsadeen fariimo ay isku Direen Facebook-yada Ay Ku Wadda Xidhiidhaan Qolka fariimaha Laysku Dhaafsado ee (chatting).
Waxaa Sidoo Kale Ay maxkamadu Xukun Ku Riday hal Sano oo Xadhig Ah C/casiis Muxumed Muuse (Sahal) oo ay Sheegtay Maxkamadu In Markii Hore Ay Ku Wayday Qodobkii lagu Soo Eedeeyey Balse Maxkamadu Iyadoo Awood U leh Wax Ka Bedelka Xaashida Eeda Cuskanaysa Qodobka 124, Waxay Maxkamadu Ku Xukuntay Qodobka 452 oo ah Xeerka Ciqaabta Guud, Garsooraha Dacwada ayaa sheegay maxkamadu iyada oo kaashanaysa khubaro aqoon u leh dhinaca IT-ga Ama Internetka Waxa U Cadaatay In uu Sameeyey Facebook Been Abuurka Ah Kuna Faafiyey Qoraalada Been Abuurka Ah, Sidaana ay u cuskadeen qodobka 452 oo ah xeerka ciqaabta guud laguna xukumay hal sano oo xadhig ah
Qareenka Difaacayey Eedaysanaha Ayaa Sheegay Inaan Waxba Laga Ogaysiin Cadaynta Eedan Lagu Xukumay Islamarkaana aanu jirin Markhaati Si Cad Maxkamada ugaga Hor Cadeeyey Inuu Sameeyey Facebook, been Abuurka Ah qoraaladana uu ku Faafiyey, Balse uu yahay Kaliyaata Go’aan Kasoo Baxay garsooraha Xukunka Qaadayey, eedii hore ay Xafiiska Xeer Ilaalintu ugu Soo Eedaysayna Lagu Waayey.
Sidoo kale Waxaa Ay Iyana Maxkamadu Xoriyadoodii Dib Ugu Soo Celisay Labada kaaliye ee kala Ah
1- Siciid Maxamuud Ibraahim
2- Maxamed Rashiid Cali
Sikastaba ha Ahaatee Dhacwadan Qaadatay Mudada Afarta Bilooda Una Xidhnaayeen Lixda Kaaliye oo Sabab looga Dhigay Danbiga Loo Haystay Inuu yahay Sameynta Facebookgaasi been Abuurka Ah Ayaa Haddana waxa Jira In Ilaa hadda Uu Shaqeynayo facebookgaasi loo Haystay Kaaliyeyaashu, Islamarkaaana lagu faafinayey Qoraalo Kale oo ka danbeeyey kuwii loo xidhay kaaliyeyaashan, Waxaana Taasi Meesha Ka Saaraysaa in Xukunka Dacwadani uu noqon Karo Mid Ku Dhisan Xaqiiq iyo Xog Dhammaystiran oo islamarkaana Uu Ahaa Xukun Cadaalada La Waafajiyey, Maadaama uu Facebookgii loo Xidhay kaaliyaayshu Ilaa Hadda Shaqaynayo Lana isticmaalayo, lana garan karin cid isticmaalaysa
Halka Ka eed Facebooka Loo Xidhay Kaaliyeyaashan iyo Qoraalada Lagu Faafinayey Kaaliyaayshan oo Xabsiga Ku Jira.