WAJAALE NEWS

Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Ka Warbixiyey Waxa Uu Ku Salaysnaa Kulan Madaxwayne Ku Xigeenku La Yeeshay Markab Uu Leeyahay Faransiisku.

Hargeysa(wajaalenews) Dec.17, 2013-Taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan, ayaa faahfaahiyey waxa uu ku saabsanaa kulan gaar ahaa oo uu  Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md Saylici dhawaan uu Markab ku soo xidhay dekedda Berbera kula yeeshay saraakiil ka socday Midowga Yurub.
Taliye Axmed Aw Cismaan, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha uu Madaxwayne ku xigeenku Markabka kula dul shiray ay ka socdeen hay’adda Card Master oo midowga Yurub u qaabilsan la dagaalanka budhcad-badeeda, isla-markaana u socdeen sidii ay taageero dhanka tababarada iyo qalabka ah ugu fidin lahaayeen ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.
Taliyaha oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Markabkii Madaxwayne ku xigeenku fuulay Maalintii dhawayd waxa uu ka tirsan yahay ciidamada ATLANTA ee reer Yurub ee badda jooga, waxa waday urur la yidhaahdo Card Master oo qaabilsan la dagaalanta budhcad-badeeda, waxayna wadeen mashruuc cusub oo la dagaalanka budhcad-badeeda ah, inagana ay inoogu jirto tababarada iyo qalabaynta ciidamada ilaalada xeebaha, booqashadooduna waxay deba socotay booqashooyin hore oo Maraakiib Ingiriisku leeyahay inoogu yimaadeen, sida labadii Madaxwaynaha lagu mart-qaaday, Mashruucuna waa mashruuc isdeba socda, laakiin qolada Midowga Yurub waa kuwii inoogu horeeyay, waxayna ahaayeen ciidamada Faransiiska ee ATLANTA ka mid ah”
Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Markaa waxna way balan-qaadeen wax hore oo lana siiyayna way jiraan, waxayna balan-qaadeen tababaro iyo isgaadhsiinta, baahida ugu weyn waa doonyaha, arrinkaa doonyuhuna wuu iska soo dhawaanayaa”ayuu yidhi Taliya ciidamada Ilaalaha xeebaha somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version