WAJAALE NEWS

Daawo: Maxkamada Spain Oo Diiday Aftida Madax Banaanida Catalonia Iyo Xidhiidhka Barcelona Iyo Madrid Oo Sii Xumaaday.

spanish.jpgBarcelona, (WJN):- Maxkamada Dastuuriga ah ee dalka Spain ayaa ku gacan saydhay, afti barlamaanka Catalonia meel mariyay in laga qaado

dadka gobolkaas ku dhaqan sanadka soo socda, taas oo Masiirkooda qaran ay dadku kaga go’aan gaadhi doonaan.


Maxkamada ayaa diidmadeedan ku sababaysay, inaan labada maamul isla ogolaan sidaa darteedna aanay sharci ahayn, waxa kale oo ay maxkamadu ogolaatay in la kala diro barlamaanka Catalonia ee aftida aqlabiyada ku ansixiyay, taas oo xiisada u dhaxaysa labada dhinac uga sii dartay, sida la sheegayna uu xidhiidhka Madrid Iyo Barcelona gaadhay halkii ugu xumayd abid.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version