WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland oo sida fiinta uga qaylisay Golaha Madaxa Bannaan ee Wada tashiga

Hargeysa(wajaale news): Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saaray Golaha la magac-baxay Golaha talada iyo toosinta Qaranka Somaliland, isla markaana waxay go’aamiyeen inaan la aqbali karin Urur kasta iyo Gole kasta oo ka baxsan kuwa Sharciga dalku jideeyey ee Qaranka.

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee maanta oo uu guddoominayay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagu go’aamiyay inaan la aqbali doonin wax urur ama gole ah oo ka baxsan kuwa dastuuriga ah ee dalka sifaha sharciga ah uga jira.

Waxaana sidaa warbaahinta u sheegay Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland oo Khamiis kasta ka qabsooma xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa, ayaa shirkii khamiista maanta ee Golahaas waxa Guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Afhayeenka Madaxtooyada oo shirkii Golaha Wasiirradu markii uu dhammaaday maanta u warramay Saxaafadda, ayaa sheegay in Golaha Wasiirradu si weyn shirkooda shalay ugu faaqideen, isla markaana la isku waafaqay in aan la oggolaan doonin cid sheegata urur ama gole siyaasadeed oo aan ka ahayn kuwa Dastuuriga ah ee dalka ka jira.

Dhuxul waxa uu intaasi ku daray in goluhu ay isku waafaqeen inay ayidsan yihiin oo qudha Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiiladda) iyo sadddxda Xisbi Qaran ee ku soo baxay doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dabo-yaaqadii kal-hore ka dhacday dalka.

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo rayul caamka bulshadu si weyn ugu foogan yahay dood ka dhalatay sharciyadda Golaha la magac-baxay Golaha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka oo ay laba 1-dii bishan Barakaysan ee Ramadaan Caasimadda Hargeysa kaga dhawaaqeen Siyaasiyiin Mucaarid ah oo isugu jira Hoggaankii Ururradii siyaasadda ee ku hadhay doorashadii dawaldaha hoose ee sannadkii hore Somaliland ka qabsoontay iyo Siyaasiyiin xilal sar-sare ka hayay Xukuumadda oo xilalka  laga qaaday Balse waxad moodaa inay xukuumada madaxweyne silaanyo golahaasi ku noqday lafdhuun gashay .

Wajaalenews.com

Hargeysa/Somaliland.

Exit mobile version