WAJAALE NEWS

Xogo Kashifay Balan Qaadyo ay Wadani Iyo Kulmiye U Sameeyeen Garabka Jamaal Cali Xuseen Hadii Ay Ku Soo Biiraan

Hargeysa (wajaalenews) – Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Kulamo hoose oo saxaafadu diba joog ka tahay ay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa Gundaha isku galiyeen Garabkii Xisbiga UCID ka go’ay ee uu hogaaminayo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Labada Xisbi Siyaasi ee WADDANI Iyo KULMIYE oo aanay wali natiijo rasmi ah ka soo bixin ayaa waxa aanu si hor dhac ah u helnay dhawr qodob oo mihiim ah oo labada Xisbi u soo bandhigeen Garabka Jamaal Cali Xuseen, islamarkaana ay ku kala jiidanayaan.
Illo-Wareedyo ka agdhaw Kulamadani oo Wargeyska Foore helay ayaa tibaaxay qodobo Mihiim ah oo labada Xisbi mid waliba gaarkiisa ugu soo bandhigay Garabka Xisbiga Ucid ka soo go’ay ee Jamaal Cali Xuseen,Kuwaasi oo aanay Wali ka go’aan gaadhin Garabkaasi,balse waxa dhawaan la filayaa inay meel uun iskugu biyo shubtaan,siiba halka ay ku qancaan siyaasad ahaan. Garabka Jamal Cali Xuseen ayaa gudi shan qof ka kooban u saaray inay u qaabil sanaadaan wada hadalo uu la furtay Kulmiye iyo WADDANI,iyagoo labaddaasi Xisbina iyaguna gudi u soo saaray,kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay kuwada hadlayay Huteel Maansoor, wxaana warar ku sheegayaan in wada hadadalaasi iyo kulamadaasi hadda Gunaanad ku dhaw yihiin oo ay soo afmeermeen.
Sida ay noo xaqiijjiyeen Dad ka qayb galay Kulamadaasi,waxa ay labada Xisbiba mid kastaa dhinaciisa ku dadaalay inuu hanto garabkani Ucid ka soo go’ay iyagoo u soo bandhigay qodobo aad mihiim u ah oo ay u arkeen inay u cuntamayaan siyaasad ahaan. Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Sida la noo xaqiijiyay waxa ka mid ahaa Qodobada ay u soo bandhigeen Garabka Jamaal Cali Xuseen labadan qodob oo aad mihiim u ah oo Xasaasiyad gaar ah leh,1- inay Marka hore boosas Mihiim ah oo culus ka siinayaan Xisbiga kuwaasi oo ay kujiraan Boosas Gudoomiye xigeen iyo wax u dhigma,2- Waxa kale oo ay u soo bandhigeen inay Xisbi Siyaasi la soo saarayaan marka Tartanka Xisbiyada la furo Haddii uu Xisbiga WADDANI Talada dalka ku guulaysto,iyagoo Waliba u balan qaaday inay lacagta Ololaha Xisbigaasi lagu soo saarayo ka bixinayaan,oo ay badhi taarayaan,iyagoo si gaar ah farta ugu goday inuu noqon doono Xisbigaasi mid badela Xisbiga UCID ee uu Jeebka Faysal Cali Waraabe Ku sito.
Dhinaca Xisbig Kulmiye ayaa la sheegay inay Xubnihii Xisbigaasi iyaguna dhinacooda u soo bandhigeen Qodobo aad u mihiim u ah oo ay aad ugu riyaaqeen Garabka Jamaal Cali Xuseen. Sida la noo xaqiijiyay waxa ka mid ahaa Qodobada Xisbiga KULMIYE miiska u soo saaray 1- inay ugu horayn ka qayb galinayaan Talalada Dalka oo ay mansabyo uga magacaabayaan Xukuumadda haddii ay diyaar u yihiin,. Waxa kale oo ka mid ahaa Qodobada mihiimka ah ee ay badka u soo dhigeen 2-inay imkaaniyaad Wixii ka baxay ay diyaar u yihiin inay la qaybsadaan ama ay ka bixiyaan,intay doonto hanoqotee.
Waxa dhawaan la filayaa inay Garabka Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen warbaahinta u soo bandhigaan halka ay siyaasad ahaan iskugu lugo duwanayaan,iyagoo wali sii wada Kulamadii ay lalahaayeen Xisbiyada qaranka ee KULMIYE Iyo WADDANI.

Exit mobile version