WAJAALE NEWS

Maxamed Kaahin( Kuxigeenka Koowaad) Ee Xisbiga Kulmiye Muxuu Uga Jeedaa Cirro Doorashada Aqbali Maayo Mise Waa Hadaladii Ka Dhici Jirey? (faallo)

Hargeysa(W,N)-Dad badan ayaa isweydiiyay hadal kasoo dhacey Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye  Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayay mid kamid ah Xafladaha Xisbiga Kulmiye kaga ololeeyo Gudaha Caasimada Hargeysa waxa uu si lama filaan ah ugu dhawaaqey in aanu Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro) aqbaleynin  natiijada Doorashada.

Hadalka kasoo dhacey Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa dadka aqoonyahanka iyo waxgaradka Somaliland iyo waliba inta had iyo jeer lasocda hadalada  Siyaasiyiinta ku abtirsada Somaliland u arkeen in uu yahey hadal jaban oo qeyb ka ah hadalada dhacdhaca ah ee Masuulyiinta badsada weerarka Masuulyiinta kale in ay mararka qaarkood ku xikmad guuraan hadal aan munaasib ku aheyn loolanka u dhexeeya Xisbiyada iyo dhaliilaha ay isu gudbinayaan Mucaaridka iyo Muxaafidku.

Maxamed Kaahin Axmesd oo awal hore dadka intiisa badani u tuhunsanaayeen in uu kamid yahey raga ugu degan uguna macquulsan Saraakiishii Halgankii Snm oo waliba leh shakhsi ixtiraam hadey noqoto Mujaahidiintii iyo Bulshadaba  haseyeeshee,waxa fashiliyey oo qof waliba saluugaa hadaladiisa taraaraxa ah oo aflagaado qaawan,hadal jaban,iyo weerar fool xun u badan kuwaas oo aan looga soo Tusaale qaadan loolankan nafla caaridka ah ee ay isga Muuse Biixi ku daadihinayaan Xisbiga Kulmiye xiligan hogaankooda laakiin waxa ay Maxamed Kaahin hadalada jabani ka dhaceen marar badan oo ku siman ilaa wakhtigii Xisbiga Kulmiye ahaa Mucaaridka xiligaas oo uu hadalo meel ka dhac ah oo qaarkood saamayn yeesheen sida hadal uu ku weerarey Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Xukuumadii Rayaale Cabdilaahi Ismaaciil Cali(ciro),oo isaga markii dambe shaabad ku noqdey hadalkaas oo ahaa “Isaaqa Dhedig” laakiin aan munaasib ku aheyn doorka loolanka Siyaasada,inkastoo aaney Siyaasadu sideedaba naxli u baahneyn waxa kale oo kamid ahaa hadaladii aanu Maxamed Kaahin u meel dayin “Dhengedbaan Rayaale kaga Soo Saarayaa Madaxtooyada” iyo hadalo oo lamid ah oo koley taabtey miisaankiisa shakhsiyeed.

Marka loo soo noqdo ololaha xiligan inkastoo ay dad badani Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ku xantaan in aanu ku fiicneyn khudbadaha oo ay mar mar la taraaraxaan hadana marka dhab loo eego Muuse Biixi wuxu hadalku ka beydhaa isagoo ka hadlaya arin mujtamaca khuseysa haseyeeshee, waxa uu ololihiisan ka dhawrsan yahey hadalada shakhsi weerarka ah ee foolxumada iyo naxliga abuura sababtoo ah marka si dhab ah loogu dhabo galo Maxamed Kaahin Axmed Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye waxa uu indhawaale hadalo fool xun ku weerarey Siyaasga Ismaaciil Buubaa oo ku weerarey hadal lafjab ah islamarkaana, aan u fiicneyn isaga laf ahaantiisa(Maxamed Kaahin),iyo guud ahaanba loolanka siyaasada Somaliland.

Sikasta oo ay tahey waxa dad badani isweydiinayaan hadalkii ugu dambeeyay ee Maxamed Kaahin ka jeediyay xaflad Xisbigoodu kusoo dhaweeyay dhalinyar sheegtay sanaag Bari oo kusoo biirey Xisbiga Kulmiye hadalkaas oo ahaa “Cirro Doorashada Aqbali Maayo” runtii waa hadal Bulshada nacsiinaya doorka Siyaasadeed ee Soomaliland iyo xiisaha loolanka Xisbiyada inkastoo dadka qaarkii leeyihiin afku wuxu ka xadey mid isagu ka baqo qabo ileyn i (Maxamed Kaahin) ilaahay wax lama oga,e.

Gabagabadii hadalada dhacdhaca ah ee Mujaahid Maxamed Kaahin waxey noqon doonaan kuwa raad kuyeesha shakhsiyadiisa iyadoo aanaan qormada hore ku xusin hadal uu ku weerarey Xirsi Cali Xaaji Xasan oo foolxumo ahaa.

 

 

Exit mobile version