WAJAALE NEWS

Garabkii Jamaal Cali Xuseen Uu Hogaaminayay Oo Wada Hadal La Furaya Xisbiga Kulmiye

Hargaysa(wajaalenews)Garabkii uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen ayaa shaaca ka qaaday In ay wada hadal la furayaan xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale xisbiga mucaaradka ah ee Wadani,waxaana sidaasi bartiisa xidhiidhka bulshada ku baahiyay xoghayaha Jamaal Cali Xuseen Mr. Gacayte,waxaanu u dhignaa qoraalkiisu Sidan:

“Garabka aqlabiyada Xisbiga Ucid ee uu hogaaminayo Musharax Jamal Ali Hussein ayaa wada hadalo hordhac ah la furay Labada Xisbi ee WADDANI IYO KULMIYE, Maadaama waxa na horyaala ay yihiin labadan Xisbi oo kaliya, waxa khasab nagu ah inaanu qolo walba eegno qorshahooda, Cidna uma xidhnin balse kii aanu u aragno in dantu ku jirto ayaanu xoojin doonaa kadib markaanu la tashano masuuliyiinta iyo dhamaan taageerayaasha gudaha iyo dibadaba ee garabka Jamal Cali Xuseen. Ilaa imika ma jiro cid aanu si gaara ah wax ula wadnaa wararka suuquna waa dacaayadahii awalba jiray waxna kama jiraan.
Runtii Wada hadaladu way ka culusaanayaan sidii hore waayo Xisbi dhan ayaanu nahay oo leh Xildhibaanadiisii Golayaasha deegaanka dalka ilaa dhowr iyo sodon ay ku jiraan Maayarada ugu badan dalka iyo Xildhibaanadiisii baarlamaanka Labada sidoo kale cudud iyo taageerayaal dalka iyo dibadaba ah loo dhan yahay. Isbadal ayaanu dalkan la doonaynay balse waxa nalagu qaaday dagaal siyaasadeed oo awoodkii xukuumada iyo sharcigiiba naloo adeegsaday shacabkii somaliland ay ka aamuseen dulmiga iyo cadaalad darada dhacday ee aan la doonayn wax Isbadal oo dalka ka dhaca.
Talaabada aanu qaadi doonaa waxaanu rajaynaynaa inay noqoto mid badbaadisa somaliland .

 

 

By Gacayte

 

Exit mobile version