WAJAALE NEWS

Daawo Ciyaaryahan Ka Soo Jeeda Nayjeeriya 103 Km Madax Ku Siday Kubad.

nigerian-footballer-cycles-103-k.jpgLagos, (WJN/AFP):- Ciyaar yahan kubada cagta ciyaara oo u dhashay dalka Nayjeeriya, ayaa dhigay rikoodh cusub oo madax ku haynta kubada cagta ah,

waxaanu laacibkani isagoo baaskiil wata kubad madaxa ku siday masaafo 103 kilometers oo u dhiganta (64 miles).

Ciyaar yahankan oo lagu magacaabo, Harrison Chinedu, ayaa boqol iyo sadexda kilo mitir ee uu kubada madaxa ku siday, u sameeyay sidii uu buuga dhacdooyinka dunida ee Guinness Book of Records, ugu geli lahaa looguna daro, waanu ku guulaystay sida wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), ay sheegtay.

Hargeisa office
wajaalenews.net

Exit mobile version