WAJAALE NEWS

Xeeladaha ku lamaanaa Burburkii Xisbigii Udub Iyo Ujeedooyinka Uu Madaxwayne Siiraanyo ka Lahaa Burburintiisa!!

HARGAYSA(W,N) Mudo Afar iyo Toban Sanno ah ayaa laga joogaa markii  Jamhuuriyada S/land ay ka hirgashay Nidaamka Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinku iyadoo Bulshada S/land codkooda ku xaqiijiyeen jiritaanka Sadex Xisbi Qaran oo Jamhuuriyada S/land yeelato Dorashadaas oo ahayd Doorashadii u horaysay ee Golayaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay Maalin ku beegan 15/12/2002 iyadoo Lix Urur Siyaasadeed ku tartameen Doorashadaa waxaa Darajada Xisbinimo u soo gudbay Xisbiyadii Udub ,Kulmiye iyo Ucid iyadoo Sannado danbe iyo Qarniyo Diiwaanada Taariikhda lagu xusi doono Kartidii iyo Hogaamintii uu Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin uu dalka kaga hirgaliyay Nidaamka Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada .

Mar kale Tan iyo Maalintii Madaxwayne Siiraanyo talada dalka kala wareegay Madaxwaynihii hore ee Rayaale  27/7/2010 waxaa gabi ahaanba istaagay Geedi socokii Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka iyadoo S/land Cagta Saartay Jidka mudo kordhinta sidoo kale waxaa Madaxwayne Siiraanyo uu ku guulaystay in uu burburiyo Xisbigii Udub ee sida quruxda badan ugu wareejay   Hogaaminta Talada Dalka isagoo Madaxwayne Siiraanyo Xeelado Siyaasadeed iyo Xoog Dhaqaale u isticmaalay Burburinta Xisbigii Udub anigoo Eedaa culus marag cad uga dhigaya Xidhiidhkii ka dhexeeyay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Cali Maxamad Waran Cade oo ku dhawaaqay 9/9/2012 in Xisbigii Udub uu ka hadhay Tartankii Doorashooyinka Golaha Deegaanka halka Madaxwayne Siiraanyo u magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Waran Cade mudo Sagaal Bilood ka dib Maalin ku beegan 25/6/2013 isagoo Wasiirkii hore ee Arimaha Guduhu Cali Waran Cadde afkiisa ka qirtay in uu isagu burburiyay Xisbigii Udub iyadoo Diiwaanada Taariikhda Sannado danbe iyo Qarniyo lagu xusi doono Hadimooyinka ,Habqanka iyo Habaaska uu galiyay Madxwayne Siiraanyo Geedi socodkii Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka S/land .

Waxaase iswaydiin mudan waa maxay Xeelada ugu Lamaanaa Madaxwayne Siiraanyo Burburinta Xisbigii Udub ? Waa maxay Guulaha Siyaasadeed ee ugu jiray Madaxwayne Siiraanyo Burburinta Xisbigii UDUB ? Maxuu Geedi Socodkii Dimuquraadiyada Dhaxal Siiyay Burburkii Xisbigii Udub ? Muxuu ka badalay Saaxada Siyaasada S/land Burburkii Xisbigii Udub ?

Dadka fahamka dheer ee arimaha Siyaasada sida joogtada ula socdaa waxay Xeeladaha Siyaasadeed ee Madaxwayne Siiraanyo Dalka ku Xukumo u arkaan mid salka ku haysa  Talo Beeleed iyo Aragti Dheer oo Gorfayn Waayeel soo go”aamiso isla markaana ay kawada socdaan Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleemaan Maxamuud Aadan isagoo Madaxwayne Siiraanyo ka lahaa Burburinta Xisbigii Udub dano Siyaasadeed oo Mudo Xileedkiisa ku kooban iyo kuwo Mustaqbalka  Beesha Bariga Burco ay Guulo Siyaasadeed ku gaadhi karaan iyadoo Faa”iidooyin dhawr ahi ugu jireen Madaxwayne Siiraanyo Qodob Qodob u dul joogsano .

1: Burburintii Xisbigii Udub  waxuu Madaxwayne Siiraanyo ka faa”iiday in Sadex Iyo Sodon Xilldhibaan oo Golaha Wakiilada ah ay noqdaan kuwo Abtirsiin Siyaasadeed oo Xisbinimo lahayn isla markaana uu ku shaqaysto isagoo u isticmaalay awooda Laaluushka .

2: Baarlamaanku waa Astaanta u wayn ee ka turjumaysa Dalkasta oo qaatay Nidaamka Dimuquraadiyada iyo Xisbiyada Siyaasada waxaanu Madaxwayne Siiraanyo uga dan lahaa  Burburinta Xisbigii Udub in uu meesha ka saaro  Nidaamka Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka S/land  ay noqdaan kuwo dabran oo gabi ahaanba joogsada .

3: Burburintii Xisbigii Udub waxuu Madaxwayne Siiraanyo ku Xaqiijay in uu Burburiyay Astaantii Dimuquraadiyada S/land iyo Xisbigii u horeeyay ee uu Aasaasay Hogaamiyihii Yagleelka Dhismaha Dawladnimo iyo Distoorka ALLE Ha u Naxariistee Maxamad X Ibraahin Cigaal uu kana dhaxlay Hogaamiyihii Dimuquraadiyada iyo Doorashooyinka ka hirgaliyay S/land Madaxwaynihii hore Ee Daahir Rayaale Kaahin .

4: Burburintii Xisbigii Udub waxuu Madaxwayne Siiraanyo uga dan lahaa in uu meesha ka saaro Xisbi Wayn oo kula tartama Saaxada Siyaasada oo ku sanduleeya in aanu joogsan Geedi Socodka Dimuquraadiyada  S/land .

5: Burburintii Xisbigii Udub waxuu Madaxwayne Siiraanyo uga dan lahaa Xeelado Siyaasadeed uu kula dagaalamayay Ururkii Umadda ee uu Aasaasay Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha oo Hankiisa iyo Damaciisa Siyaasadeed isku casiley DR Maxamad Cabdi Gaboose iyadoo Taariikhdu ka marag kacayso in Ururkii  Umada uu Madaxwayne Siiraanyo uu ku wiiqay Dagaalo Siyaasadeed iyo Xeelado durugsan uu kula dagaalamay Ururkii Umadda  halka Darajada Xisbinmo uu ugu soo gudbay taageero Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale uu Ururkii Wadani ka helay Madaxwayne Siiraanyo .

6: Burburintii Xisbigii Udub waxuu Madaxwayne Siiraanyo uga Faa”iidaystay in Murashaxii Madaxwaynaha ee Xisbigii Udub Cali Waran Cade uu hormood u noqdo Siyaasiyiin Madaxwyne Siiraanyo kula heshiiyay in ay wiiqaan Cududa Siyaasdeed ee Ururkii uu Aasaasay DR Maxamad Cabdi Gaboose ee UMADDA iyadoo Diiwaanka Taariikhda ay ku xusan tahay in Maalin ku beegan 9/9/2012 uu Cali Waran Cade  ku dhawaaqay in Xisbigii Udub ka hadhay tartankii Doorashada Golaha Deegaanka iyo Maalintuu ku ku biiray Ururkii Wadani oo ku beegan 11/11/2012 iyadoo ay u dhaxayso Labada Maalmood  51 Maalmood oo kaliya .

7: Burburintii Xisbigii Udub waxaa  Madxwayne Siiraanyo ugu lamaanaa isagoo ka cabsi qabay in ay kaga soo baxaan Siyaasiyiin Cudud Xoogan ku wiiqda Xeeladihiisa Siyaasadeed ee Musuqmaasuqa iyo Qaraabo Kiilka u badan isla markaana soo celisa Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land muddo kordhintana ka hor joogsata .

Todobadaa Qodob ayaa bud dhig u ahaa Xeeladaha Siyaasadeed ee Madxwayne Siiraanyo ku burburiyay Xisbigii Udub iyadoo Diiwaanada Taariikhda Sannado danbe iyo Qarniyo Burburintii Xisbigii Udub oo Mudo Xileedka Madxwayne Siiraanyo uu Burburiyay .

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WAJAALE STAFF

Exit mobile version