Gabiley(W.N) Xubno kamida xukuumada Madaxwayne Siilaanyo iyo Taageerayaasha Xisbiga kulmiye Ayaa Labadii Maalmood ee u Danbeeyay ku Mashquulsanaa Sidii Magaalada Gabiley loogu qaban lahaa xaflad lagu Taageerayo xisbul xaakimka kulmiye, taasi oo sida wararka aanu helaynaa ay tibaaxeen in ujeedadeedu daaran tahay,sidii jawaab siyaasadeed loogu heli lahaa dhoola tuskii iyo taageerayaashii mudooyinkii u danbeeyay ku sii qulqulayay xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo sas ku riday hogaanka xisbiga kulmiye.
Sidooo kale xogahan aanu ka helayno ayaa tibaaxaya in agaasinka xafladan si hoose looga abaabulayo gudaha magaalada Gabilay,taasi oo taageero loogu raadinyo xisbiga kulmiye ayaa lasheegay in aanay gabi ahaanba ku jirin siyaasiyiin miisaan leh oo kusoo biiraya xisbiga iyo xubno kasoo diga roganaya xisbiyada mucaaridka toona. balse sida ilahani tibaaxeen cida xaflada loo qabanayo ay ku jiraan qaar ka mida xubnihii u tartamay golayaasha deeganka, kuwaasi oo badi ka tirsanaa urur siyaasadeedyadii dhacay balse aan nasiib u helin in ay kamid noqdaan 21xubnood ee usoo baxay golaha deegaanka ee xiligan.
Dhanka kale murashaxa xisbiga kulmiye ayaa la sheegay in aanu ka qayb galayn xafladan taasi oo aan sicad loo ogayn ujeedada rasmga ah ee sobobtay in aanu xiligan ka qayb galin halka la faliyo in isaga badalkiisa ay tagaan gudoomiye kuxigeenka xisbiga iyo xoghayaha guud, Isku soo wada duub oo xafladan taageerada loogu raadinyo xisbiga kulmiye ee magaalada gabiley ayaan gabi ahaanba sifiican looga dareemayn gudaha magaalada marka laga reebo hadalhaynta maamulka xisbiga ee gobolka iyo masuuliyiin xukuumada katirsan