WAJAALE NEWS

Samsung Oo Joojisay Iibka Galaxy Note 7 , Ugana Digtay Macaamiisheeda Inay Isticmaalaan.

note 7Hargaysa (WJN):- Shirkadda Samsun ayaa ugu baaqday dhamaan  macaamiisheeda  isticmaalaya  Galaxy Note 7 , inay bakhtiiyaan  oo ay joojiyaan  isticmaalka Mobile kan  si dhakhsa ah.

Arrintan ayaa  timid kadib markii  la ogaaday in Mobile ka noocan ah  Galaxy Note 7 uu qarxayo , dabkana qabsanayo.
Macaamiisha Shirkadda Samsun ayaa hore bishii September  ka muujiyay cabasho  kusaabsan  model kan cusub ee Galaxy Note 7, kaas oo ay macaamiishu sheegeen  in battery gu qarxayo.
Balse,  shirkadda oo isku day day inayoo joojiso , oo ay ku badasho model kale oo isna ah Galaxy Note 7 ayaa isna lasheegay in uu leeyahay cillad ah in uu mobile ku qarxayo sidoo kalena dabka uu
qabsanayo, tan ayaa keentay digniin ay soo saartay shirkadda Samsun in gabi ahaanba  noocii original ka ahaa ee Galaxy Note 7 iyo kuwii danbe ay ku badashayba  lajoojiyo isticmaalkooda.
Waxa sidoo kale lasheegay in modelka noocan ah uu mar ku qarxay diyaarad ay rakaab saarnaayeen, dadkiina laga daadgureeyay, maalmo kadibna mid kale ayaa lasheegay inuu dab ku qabsaday  Kentucky.
Shirkadda balaadhan  ee Samsung ayaa  ku mashquulsanayd  baryahan danbe  iibinta  mobile kan casriga ah ee Galaxy Note 7 , kaas oo rabtay inay ku badasho , noocii hore  ee isna Galaxy Note 7 uun ahaa ee ay macaamiisheedu cabashada kamuujiyeen , balse ay lasoodaristay arrin lama filaan ah  kadib  markii ay  bixisay  qiyaastii illaa 2.5 million  xabo, taas oo lasheegay in qaarbadan   mobilada noocan ah ay si lama filaan ah u qarxeen.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version