WAJAALE NEWS

Magacyada Saddex Mudane Oo Gudoomiye Saleebaan Dalbaday In La Anshax Mariyo iyo Sababta Uu U Dacweeyay

Hargeysa(Wajaalenews)Gudoomiyaha aqalka guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa saddex mudane oo golahaasi ka tirsan dalbaday in la anshax mariyo kadib markii ay saxaafadda ka sheegeen inaan muddo kordhinta guurtidu samaysay ahayn mid haboon.

Gudoomiyaha Guurtida ayaa guddida joogtada ah u gudbiyay warqad ujeedadeedu tahay sidii mudaneyaashaasi loo anshax marin lahaa, isagoo ku eedeeyay inay ka hor yimaadeen go’aan gole.

Mudaneyaasha Gudoomiye Saleebaan Dacweynayo ayaa kala ah Mudane Axmed Muuse Obsiiye,mudane Maxamed Weli Warsame Cali iyo mudane Mubaarig Axmed Jaamac, kuwaasi oo soo dhaweeyay heshiiska Asxaabta Mucaaradka ah iyo Xukumadda ee ah in doorashada la qabto badhtamaha December 2016-ka.

Gudoomiye Saleebaan Waxa uu ku sababeeyay anshax marinta mudaneyaashan “Mudanayaal Sidaad ka warqabtaan Golahu go’aan ayuu gaadhay uu ku asnixiyay Codkii ugu Badnaa Go’aankaasi oo la xidhiidhay muddo Kordhinta oo waafaqsan Qoddobka 83 Ee Distuurka Qaranka,Sidaas Awgeed Mar hadii uu golahu go’aan gaadho waxa waajib ah in loo hogaansamo lana wada difaaco,Balse saddexda mudane ee kor ku xusani waxa ay ku kaceen danbi kaasi oo ka horimanaya Go’aan gole iyaga oo siiyayna warbaahinta warar shaki galin kara go’aanka golaha ee ay ka mid ahaayeen.

Hadaba waxa laydin farayaa inaad ka soo talisaan wixii golahu ka yeeli lahaa kana go’aan gadhaan,” ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan oo guddida u gudbiyay warqaddan.

Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo 30-kii May 2015-ka mudaneyaasha guurtida u jeedinayay khudbad uu kula dardaarmayay  inay wada difaacaan go’aanka guurtida ee ah muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo wakiilada ee ku astaysan  March 2017-ka lana laalo heshiiska Xisbiyada iyo Xukumadda ee ah in December 2016 la qabto doorashada ayaa mudaneyaasha u digay waxaanu maalintaasi golaha ka hor yidhi “Waxaan maqlayaa xildhibaano warbaahinta ka leh go’aanka guurtida waa lagu degdegay, wixii sharci u dhigay ayaa kuwaasna laga yeeli.”

 

Exit mobile version