WAJAALE NEWS

Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Shaaciyay Shanta Xubnood Ee Uga Qayb Galaya Qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbiga UCID+Magacyada Xubnahan.

Hargeysa(Wajaalenews) Garabka uu hogaaminayo musharax Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta iska soo dhex saaray isla markaana soo xuley shanta xubnood ee uga qayb galaya qaban qaabada shirwaynaha xisbiga UCID ee dhawaan maxkamadda sare ee Somaliland go’aamisay in lagu qabto muddo 60 cisho ah.

Waxaana garabkan ay noqonaysaa markii ay labaad ee ay iska soo xulaan shan xubnood,iyaga oona uga qayb galaya qaban qaabada shirwaynaha xisbiga.

Shantan xubnood ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin sida tan

1) Aadan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Diiriye

2) Xussen Caynaan Faraax

3) Xussen Xassan Badmaax

4) Aadan Cali Yoonis

5) Cali Maxamed Xassan

Waxaana war-saxaafadeed kasoo baxay garabkan oo uu ku saxeexnaa gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Muj Cali Gurey

Dhanka kale waxaan iyagu wali iska soo dhex saarin shanta xubnood ee uga qayb galaya qaban-qaabada shirwaynaha xisbiga garabka uu hogaaminayo gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Exit mobile version