WAJAALE NEWS

Duqeyn Lala Beegsaday Cusbitaal Ku Yaalla Magaalada Xaleb.

Hargeysa(WJN):Duqeyn cirka ah oo lala beegsaday deegaan ay mucaaradka ka haystaan magaalada Xaleb ee Suuriya, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku burburay cisbitaal.
Hay’adda Syrian American Medical Society, oo taageerta cisbitaalkaasi, ayaa sheegtay in lagu soo riday laba ah fuustooyinka qarxa.
Isla cisbitaalkaasi ayaa waxaa horaantii todobaadkan lala beegsaday weerar kale.
Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya in ciidanka dowladda Suuriya iyo xooggaga mucaaradka ah ay ku dagaallamayaan xaafado ka mid ah qeybaha qadiimiga ah ee magaalada Xaleb.

Wajaalenews.net

Exit mobile version