WAJAALE NEWS

Axmed Muumin Seed Oo La Sheegay In Uu Heshiis Qarsoodi ah La Galay Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye+Aqbalaada Seed

Axmed Muumin Seed ayaa la Sheegay in uu Xubnihii ka socday Xisbiga Kulmiye u sheegay in uu la soo Tashanayo Taageerayaashiisa

Hargeysa(Wajaalenews) Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Axmed Muumin Seed oo u Sharaxnaa Jaggadda Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbigaasi oo ka cadhooday Shirkii Golaha dhexe oo lagu qabtay Hotel Ambasador ayaa Ilo Xogogaal ah ay Waaheen u sheegeen in uu heshiis la gallay xisbiga Kulmiye, heshiiskaasi ayaa lagu sheegay in Xukumada iyo Xisbiga Kulmiye ay u balanqaadeen in Mid ka mid ah Wasiirada A ah ay siindoonan Wakhtigan iyo Waliba hadii uu Xisbigu ku soo baxo Darooshada Madaxtooyadda ee la filay in ay dhacdo sannadka soo socda.

Axmed Muumin Seed ayaa la sheegay in uu Xubnihii ka socday Xisbiga Kulmiye u sheegay in uu la soo tashanayo Taageerayaashiisa in kasta oo wararka qaarna ay sheegayaan in uu aqbalay soo jeedintaasi loo bandhigay.

Xisbiga WADDANI gudidiisa Fulinta ayaa la sheegay in ay u qoren Warqad digiiniin ah oo sheegaya in uu si cad u cadeeyo mawqifkiisa, warqadan oo aanay warbaahintu arag basle warar xogogaal ah ayaa sheegaya in warqadaasi loo qoray Maalintii Sabtidii.

Source:Waaheen

Exit mobile version