WAJAALE NEWS

Dhalinyarada GCC HANA-QAAD ayaa waxaa ay olole nadaafadeed ka sameeyeen qaybo ka mid ah xaafada October ee Magaalada Ceerigaabo waxayna dhalinyaradani xooga ku saarayeen sidii ay qayb laxaadle uga qaadan lahaayeen doorka wadaniyadeed ee ka saaran dadkooda iyo dalkoodaba

Ceerigaabo(Wajaale News)-Dhalinyarada GCC HANA-QAAD ayaa waxaa ay olole nadaafadeed ka sameeyeen qaybo ka mid ah xaafada October ee Magaalada Ceerigaabo waxayna dhalinyaradani xooga ku saarayeen sidii ay qayb laxaadle uga qaadan lahaayeen doorka wadaniyadeed ee ka saaran dadkooda iyo

dalkoodaba, waxaana ay qayb ka ahayd barnaamij mutadawacnimo ah oo ay

dhalinyaradani doonayaan inay ugu adeegaan bulshadooda maadaama ay

0in 10pt”>yihiin dhalinyaro aqoon yahano ah oo isu xil saaray inay si

mutadawacnimo ah ugu shaqeeyaan bulshadooda waxaana dhalinyaradan

hogaaminayay Isu-duwaha Dallada Dhalinyarada ee SONYO ee Gobolka

Sanaag Mudane Xasan C/raxmaan Xirsi oo ka warbixiyay sida ay ku timi

hawshan waxaana uu ku bilaabay hadalkiisa sidatan

Ugu horayn waxaan u mahad naqayaa Allaah oo na solonsiiyay inaan

hawshan muhiimka ah u qabano bulshadayada, waxaan sidoo kale u mahad

naqayaa Dallada dhalinyarada ee SONYO iyo Hay?ada Mercy Corps oo

runtii nagu tabaaray Barnaamijkan Global Citizen Corps GCC HANAQAAD

oo ujeedadiisa ugu wayni tahay ahmiyada ay wadaniyadu leedahay iyo

sidii aan wadankeena si mutadawacnimo ah ugu shaqayn lahayn maadama

aanu wadankayga wax u baranay qof kastoo muwaadin ahina ay masuuliyadi

ka saaran tahay wadankiisa,

Maanta waan ku faanaa Somaliland, balse inaan ka faano maaha wax kasta

oo wadanka wax u dhimaya oo ay ka mid tahay qashinka oo halis

caafimaad darro ku ah bulshada sidoo kalena wax u dhimaya bilicda

magaalada, inkastoo ay magaalada ceerigaabo tahay magalada ugu

nadaafada wanaagsan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay taa

amaanteeda iyo wax qabadkeeda leedahay dawlada hoose ee magaalada

ceerigaabo oo u hagar baxday tayaynta nadaafada, ayaa hadana waxa cid

walba waajib ku tahay inay dawlada hoose kala shaqayso bilicda

magaalada

Aniga iyo dhalinyaradan ila shaqaynaysaana waxaa naga go?an inaanu sii

wadno dadaalkayga kana jawaabno xirfada iyo aqoon korodhsiga ay noo

sameeyeen dallada dhalinyarada SONYO iyo Hay?ada Mercy corps oo maanta

guud ahaan dhalinyaradii nala wada tababaray ee gobolada kalena ay si

fir fircoon uga qayb qaadanayaan inay si mutadawacnimo iyo wadaniyadi

ku dheehan tahay ugu shaqeeyaan bulshadooda si dhalinyarada kalena ugu

daydaan oo u dareemaan inay dalkan iyagu iska leeyihiin oo ay waqti ka

mida waqtigooda geliyaan u adeegida dadka iyo dalka

Isku soo wada duuduuboo ololahan nadaafada ee kooxdan GCC-HANAQAAD

ayaa ku soo beegmaya xili ay kaalin fir-fircoon kaga jiraan

dhalinyarada Somaliland in ka badan 10 wadan oo uu ka hir galay

barnaamijkan GCC iyadoo Somaliland markii ugu horaysay laga hir

geliyay sanadkii 2012 oo ay dhalinyaradii loo tababaray si wayn uga

dhex muuqdeen dalalka uu ka shaqeeyo GCC-gu ayaa waxa laba ka mid ah

dhalinyarada Somaliland iyo madaxa Somaliland ee GCC- mercy corps ay

badhtamihii Sanadkan shir caalami ah uga qayb galeen wadanka Tunisa

iyagoo metelaya wadanka Somaliland, waxaana ay halkaa ka jeediyeen

khudbado iyo bandhig dhaqameed ka turjumaya dalka Somaliland iyo

taariikhdiisa, iyadoo goobta shirka guud ahaan uu si wayn uga dhex

muuqday astaanta calanka Jamhuuriyada Somaliland

 

Wajaale News

Office Hargeisa/Somaliland

Email: Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version