WAJAALE NEWS

Askari Dil Toogasho ah Ku Dilay Nin Shacab ah Kaantaroolka Magaalada Sheekh

Hargaysa(wajaalenews)Askari ka tirsan ciidanka booliska degmada sheekh ayaa dil toogasho ah maanta ku dilay nin shacab ah oo ka mid ahaa darawaliinta marayay jidka magaalada sheekh.waxaanay wararku sheegayaan in ninkan shacabka ah oo watay gaadhi ay ismaandhaafeen askarta joogta kaantaroolka magaalada sheekh,halkaasi oo markii danbana mid ka mid ah boolisku toogtay ninkii shacabka ahaa,waxaaana  alla ha u naxariistee marxuumkan oo ay noo suuro gali wayday in aanu helno magaciisoo sadexan lagu  magacaabi jiray Muxumed, isaga oo maydkiisu xiligan yaalo magaalada Berbera,iyada oo gacanta ay ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii gaystay dilka

Exit mobile version