WAJAALE NEWS

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Qado Sharaf Ah U Sameeyey Xulka Ciyaar-yahanada Kubadda Cagta, Kolayga iyo Orodada ee Gobolka Gabiley

Hargeysa(W,N) Afhayeenka Madaxweynaha JSL  Mudane Xuseen Adan Cige  (Deyr) ayaa maanta qado-sharaf u sameeyey Xulka Ciyaar-yahanada Kubadda Cagta, Kolayga iyo Orodada ee Gobolka Gabiley. Xafladaas oo ka dhacday Hotel Summer Time waxa Ciyaar-yahanada kala qayb galay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Gabiley, sida Badhasaabka, Maayarka, Xildhibaanada, Isu-duwaha Ciyaaraha iyo Marti Sharaf kale.

Afhayeenku wuxuu Ciyaar-yahanada kala hadlay muhimadda iyo qiimaha ay Ciyaaruhu u leeyihiin kalsoonida, is-dhexgalka iyo is-fahanka bulshadeena. Waxa kale oo uu Afhayeenku u sheegay Ciyaar-yahanada in ay Ciyaaruhu yihiin habka ugu muhiimsan ee lagula dagaalami karo Qabyaaladda, Balwadaha iyo Tahriibtaba.

Ugu dambayntii  Afhayeenku wuxuu Ciyaar-yahanada Gobolka Gabiley kula dardaarmay inay muujiyaan akhlaaq wanaag, ciyaar wanaag iyo bisayl ay ku soo bandhigayaan xirfaddooda ciyaareed.

 

Exit mobile version