KALABAYDH(W.N) Shir baaladhan oo ay iskugu yimaadeen beesha jufada Siyaasi Cabdi Muxumed Baadil (Cabdi biid) kaasi oo ay kasoo qaybgaleen madax dhaqameed,waxgarad Aqoonyahanka, iyo siyaasiyiinta beesha ismarkaana ka dhacay Gobolka Gabiley gaar ahaan Magaalada Kalabadhay ayaa Is xogwaraysi arimaha beesha ah kadib waxaa goobtaasi kaga dhawaaqay in uu utaagan yahay murashaxiinta u tartamaysa Doorashada Golaha Wakiilada ee inagu Soo foole Cabdi Muxumed Baadil (Cabdi biid) oo kamida siyaasiyiinta miisaanka culusku kun leh Gobolka Gabiley halkaasi oo ay badi waxgaradka iyo madax dhaqameedka beeshu kusoo dhaweeyeen gacmo furan
dhanka kale madashan oo ahayd mid kulmisay badi haldoorka beesha waxaa goobta joog ka ahaa kana dhex muuqday Siyaasiga Abiib Diriye Nuur (Abiib Tima cad) oo mudo kusoo jiray siyaasiyiinta gobolka gabiley iyo guud ahaan somaliland.
isku soo wada duub oo shirkan ayaa kusoo dhamaaday jawi degan kaasi oo lafo gur iyo isku duubnaan lagu dhameeyay arimo badan oo beeshu iskugu timid.
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE