Dulmiga ,Tacadiga , faaqa iyo kibirku Madaxnimo Maaha Ee waa Cuqdad Xun oo Qofka ku Sifoobaa Aanu ku Wanaagsanayn In Madax laga Dhigto,
BAGAANU IS LAHAYN BIYAAN QUBAY
Cajiib! Waa qiso runtii hadii ay u dhacday sida odayaashu u sheegeen naxdin iyo murugaba leh. Askari waajibkiisi gutay oo xadhig ku mutaystay runtii waa wax laga xumaadaa waayo wuxu ku nabadgeli lahaa isaga oon gudanin waajibkiisa saw maaha? Musharaxa waxa la gudboonayd in halka uu xadhigga kala doontay inu la xidhiidho maamulka Dawladda Hoose ee amarka siiyay askariga oo la hadashiiyo Mayorka isaga ayaa la hadli lahaa cidda ka masuulka ah xarunta ama toosba u amri lahaa askariga eh.
Lakiin Muuse way ka suuroobi kartaa sidee buu inan yar oo askari ahi ii horjoogsan karaa aniga oo Muuse Biixi ah. Muuse ayaa looga fadhiyaa in arinkan uu xaqiijiyo ama waa eed culus hadii aanu qabin iska baraxo oo sidii ay wax u dhaceen dadka u sheego. Hadii uu ka aamuso markaa waa mafhuum sheekaduna waa ku sax sida ay odayadu u sheegeen.
Dulmiga iyo tacadiga iyo faaqa iyo kibirku madaxnimo maaha ee waa cuqdad xun oo qofka ku sifoobaa aanu ku wanaagsanayn in madax laga dhigto hadii uu noqdo waa la yaqaan nooca madaxnimadiisa oo waa kuwii dunida soo maray ee lagu hoogay. Askarigii isaga oon maxkamad la hor keenin ayaa marka uu Muuse cadho burburo la soo dayn oo iska tag la odhan isaga oon xataa raali ahow lagu odhan. Markaa hadii ay tani dhacdo run ah tahay ma sidaas ayuu weliba ku doonayaa in loo doorto Madaxwaynaha Somaliland? Haa in loogu doortona waa laga yaabaa ee miyaa la mahadin doonaa mise waa la eedi?
Allahu yaclam