WAJAALE NEWS

Maxaa Ka jira In Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Uu Wado Qorshe Uu Ku Samaynayo Koox Cusub Iyo Hordhaca Magacyada Fanaaniinta Safka Hore kaga Jira.

Warar hada soo baxaya ayaa sheegaya in abwaan xasan saleebaan dhuxul laabsaalax uu wado qorshe cusub oo uu ku samaynayo koox uu markale magac WAYN u sameeyo isaga oo ku tala jira in uu hawada ka saari doono kooxdii hore ee uu soo hogaamin jirey ka dib khilaaf ilaa hada jira oo ka dhaxeeya kooxda xidigaha iyo abwaan laabsaax,

ilo xogogaala ayaa xaqiijiyey in abwaanku kooxdan cusub uu soo bandhigi doono 20 Bishan aynu ku jirno, xili uu dhamaaday khilaaf mudo huursanaa oo ka dhaxeeyey alfanaan maxamed BK Imikana ay heshiis ku yihiin in kooxdaasi la hir galiyo,

fanaaniinTa Miisaanka culus ee kooxdan lagu bilaabayo ayaa waxaa ka mida.

 

MAXAMED SICIID CABDI (BK)

NIMCAAN C/RAXMAN XASAN (HILAAC)

MURSAL MUUSE CUMAR

KHADRA CABDI SILIMO

HODAN CABDIRAXMAAN DHEERE Iyo

Fanaanda YURUB MAXAMED CABDI (GEENYO)

abwaan laabsaalax oo aan ilaa hada shaacin in uu wado dhismaha kooxdan cusub ayaa ku rajo wayn inuu markale dib u soo celin doono Awoodiisa masuulnimo sidoo kale abwaanka ayaa waxaa uu saamayn wayn ku dhex leeyahay guud ahaan bahda fanka iyadoo uu mudadii kooxdan hogaaminayay ay gaadhay heer ay matalaan geeska afrika  bulshada somalidu ku xasuustaan in uu yahay abwaan ,hogaamiye, fanka kusoo kordhiyay  sugaan la jaan qaday wacyiga .

Exit mobile version