WAJAALE NEWS

Dhacdo Naxdinle; Aabo Dilay Wiil Iyo Gabadh Uu Dhalay, Isna Is-Daldalay

Nin u dhashay dalka Masar oo la yidhaa Axmed Fatxi Rajab ayaa dilay laba carruur ah oo uu dhalay oo kala ah wiil shan jir ah iyo gabadh toban jir ah, isaga oo ku tuuray wabiga Niilka, kaddibna waxa uu taleefanka kula hadlay hooyadii dhashay ubadkaasi oo aan  ogeyn halka ay ku sugan yihiin waxaanu ku yidhi “Aad ayaan ugu xumahay, waxa isku keen keenayay, waxay ahaayeen ubadkeenii, sidaa awgeed waan dilay, waanay dhinteen iyaga oo is haysta oo midba midka kale xajisanayo sidaa u ogow”.

Markii uu xaaskiisa uu u sheegay arrintaa aadka u foosha xun ee uu sameeyay ayaa waxa uu u baxay goob bannaan ah oo aanay cidna joogin kaddibna isaga laftiisi ayaa is daldalay.

Arrintan oo aan meelna ka soo galin dareenka naxariista ee waalidnimo ayaa waxa la sheegay inuu ku kacay Aabo da’diisu ahayd 28jir, waxaanu ubadkiisii uu geeyay meel biriij ah isaga oo iska dhigaya inuu dalxiis geeyay,  biriijkan oo ah mid dul mara wabiga Niilka ayaa waxa uu bilaabay inuu kolba ka soo tuuro biriijka dushiisii halkaana uu ku dilay labadii ubad ahaa ee uu dhalay, waxaanay ciidamada booliska dalkaasi sheegeen in labada waalid ee dhalay labadan carruur ahi ay kala tageen muddo yar ka hor, islamarkaana uu Aabahani uu aad u isticmaali jiray maandooriyayaasha, taasina dhalisay khliaafka soo  kala dhexgalay isaga iyo haweenaydiisii, sidaana ay ku kala tageen, ugu danbeyna uu qaatay go’aan ah inuu labadiisii ubad ahaa iyo naftiisiiba dilo.

 

 

Exit mobile version