WAJAALE NEWS

DAAWO; “Is-Maandhaafka Ka Jira Dalka Waxa Sababaya Hoggaanka Waddanka Oo Laba Weji Ku Shaqeynaya..” Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa (Wajaalenews) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta  kaga hadlay Xaaladaha kala duwan ee Somaliland mareyso, sida Dagaalka ka socda Deegaannada Ceel-Af-weyn oo uu ku baaqay in Gurmadkiisa la ballaadhiyo.

Sheekh Aadan-Siiro oo xaaladda Dalka ku eegaya isha Sunnaha Nebiga iyo Qur’aanka, ayaa isago ugu horeyn ka hadlaya Go’aan qaadashada wuxuu yidhi, “Waxaynu ka hadlaynaa Raadka ay Islaamka ku leedahay Go’aan qaadashada Umad Islaam ah oo meel ku nool, ama ha noqdo Hoggaanka markaa Dalkaa ka jira ama ha noqoto Beel meel ku nool, ama ha noqdo Nin Hoggaaminaya Koox meel loo diray.”

 

Exit mobile version