WAJAALE NEWS

Xisbiga WADDANI oo Mudeeyay Shirka Golaha Dhexe Ee lagu Dooranayo Musharaxa Madaxwayne Iyo ku xigeenkiisa

Hargeysa (W,N)- Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI ayaa maanta si rasmiya u shaaciyay  wakhtiga uu qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee lagu Dooran doono Musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uga qayb galaya doorashada  madaxtooyada 2017.

War qoraal ah oo lagu baahiyey degelka uu Xisbiga Waddani ku leeyahay Facebooga  waxaa lagu sheegay in shirka golaha dhexe ee xisbigaasi la qaban doono 1 bisha 10 ee 2016ka oo uu ka dhacayo magaalada Hargeysa.

Waxaa kale oo lagu sheegay qoraalkaasi in shirkaasi lagu dooran doono musharaxa madaxwayne iyo ku xigeen ee uu yeelan doono xisbiga Waddani maadaama la galayo tartan doorashada madaxtooyada Somaliland.

Jagada musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani waxaa u tartami doona guddoomiyaha golaha wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Mudanew Cabdiraxmaan Cirro iyo musharaxa kale oo shaaciyay hankiisa musharaxnimo, halka kursiga musharaxa madaxwayneKuxigeen ay  ku tartamayaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Awdal kuwaasi oo uu ugu horeeyo Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ,Ambasador Maxamed Cali iyo siyaasiyiin kale.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharaxa madaxwayne uu noqonayo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro maadaama uu xisbigaasi inta badan soo hogaaminayay ilaa imika aanu jirin musharax taageero wanaagsan soo bandhigay, waxaa kale oo loolan adagi dhex mari doonaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Awdal ee ku tartamaya musharaxa madaxwayne ku xigeenka.

 

 

Exit mobile version