Gabiley(Wajaalenews) Xisaabiyihii hore ee qaranka Ibraahim Aadan Qaalib ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani oo dhawaan madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo dib ugu magacaabay xilka,
waxaana qoraal kooban uu soo gaadhsiiyay dagalkan wararka ee Wajaalenews u dhignaa sidan:
Waxaan hambalyo u dirayaa Nuux Ismaail Taani oo dib loogu soo magcaabay taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland.
waxaanan leeyahay Waxaynu halkaas ka dheehan kartaa in looga maarmi waayey xilkaas in dib loogu soo magcaabo sidii general Saqadi dubadba loogu soo magcaabay taliska guud ee ciidmada
booliiska. Waxaan kolay isleeyahay in uu madaxweynuhu u arkay in uu leeyahay khibrad balaadhan oo uu ku hanan karo xilkaas culus.
Waxaana xusid mudan runtii inaan nahay generalka xigto dhaw iyo ehelba. sidoo kalana waxaanu isku soo gaadhnay dugsigii Qalax ee Gabilay. Markii aan xilka u hayey qarankana waxaan lahayn wada shaqayn dhaw generalka.
Waxaan leeyahay ilaahay ha ku asturo xilkaas balaadhan ee mar labaad looga maarmi waayey.
Alfa mabrook.