Xisaabiyihii Hore Ee Qaranka Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Taliyaha Cusub,Ciidanka Qaranka Somaliland S/G Nuux Taani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisaabiyihii Hore Ee Qaranka Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Taliyaha Cusub,Ciidanka Qaranka Somaliland S/G Nuux Taani
August 23, 2016 - Written by Editor:

Gabiley(Wajaalenews) Xisaabiyihii hore ee qaranka Ibraahim Aadan Qaalib  ayaa dhambaal  hambalyo ah  u diray Taliyaha cusub ee ciidanka qaranka Sareeye Gaas  Nuux Ismaacil Taani oo dhawaan madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo dib ugu magacaabay xilka,

nuux ismaacil taani

waxaana qoraal kooban uu soo gaadhsiiyay dagalkan wararka ee Wajaalenews u dhignaa sidan:

Waxaan hambalyo u dirayaa Nuux Ismaail Taani oo dib loogu soo  magcaabay taliyaha guud ee ciidamada qaranka Somaliland.
waxaanan leeyahay Waxaynu halkaas ka dheehan kartaa in looga maarmi waayey xilkaas in dib loogu soo magcaabo sidii general Saqadi dubadba loogu soo magcaabay taliska guud ee ciidmada
booliiska. Waxaan kolay isleeyahay in uu madaxweynuhu u arkay in uu leeyahay khibrad balaadhan oo uu ku hanan karo xilkaas culus.

Waxaana xusid mudan runtii inaan  nahay generalka xigto dhaw iyo ehelba. sidoo kalana waxaanu isku soo gaadhnay dugsigii Qalax ee Gabilay. Markii aan xilka u hayey qarankana waxaan lahayn wada shaqayn dhaw generalka.

Waxaan leeyahay ilaahay ha ku asturo xilkaas balaadhan ee mar labaad looga maarmi waayey.
Alfa mabrook.

COMMENTS
LINKS