WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Codsigii Shacabka Somaliland Ku Codsadeen Aqoonsiga Qaranimada Somaliland

un uk.jpgHargeisa(WJN):-Safiirka qarramada Midoobay u fadhiya dalka Ingiriiska Mr. Matthew Rycroft, ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanku qoraal rasmi ah ka soo saari doono, jawaab ay ka bixinayaan codsi ay ku dalbanayeen aqoonsiga Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo shalay ku soo bandhigay Hargeysa codsi bulshada Somaliland oo tiradoodu kor u dhaaftay hal milyan qof ku dalbanayeen aqoonsi caalami ah oo dalkoodu ka helo beesha caalamka munaasibad uu goob joog ka ahaa  Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayuu jawaab ka bixiyey safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Qaramadda Midoobay.
Weriye Matthew Lee, oo qora shabakada Inner City Press, oo wax falanqeeya arrimaha Qaramadda Midoobay

ayaa shalay galab wax  ka   weydiiyey sida uu u arko mowqifka bulshadda Somaliland ku dalbanayso aqoonsi dalkoodu helo, Mr. Matthew Rycroft, safiirka Ingiriiska u fadhiya QM.
Mr. Rycroft, oo jawaab kooban ka bixiyey ayaa shaaca ka qaaday in Golaha Amaanku qoraal rasmi ku soo saari doono jawaabta, waxaanu yidhi “Qoraal rasmi ah ayuu golaha Amaanku ka soo saari doonaa arrintan.”
gaadhitaanka dalabka codsiga shacabka Somaliland ee aqoonsiga dalkooda Golaha Amaanka ayaa noqon doonta mid wax badan ku soo kordhisa, kuna soo jeedisa dareenka beesha caalamka qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

 

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version