WAJAALE NEWS

Falan-Qaynta Nuquladda Heshiiska Dekeda Berbera Ee Golaha Wakiilada La Horkeenay Iyo Xogaha ku Duugan!.

HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaan halkan idiinku soo gudbin doonaan falanqan iyo xoga dheeraada oo laga helay heshiska dekeda berbera ee golaha wakiilada la horkeenay.

Waxaanu nasiib u helnay inuu na soo gaadho heshiiskii Dekedda Berbera ee Shalay xukuumadda Somaliland u soo gudbisay golaha wakiiladda si uu uga doodo. Waana markii u horaysay ee heshiis ay soo

bilawday u soo gudbiso xukuumaddu Somaliland aqalka wakiiladu sida sharcigu yahay. Inkastoo sharci

iyo waajib saran tahay, haddana waa talaabo amaan iyo dhiirigelin mudan. Intaa kadib, waxaan halkan

ku soo gudbinaynaa falanqayn kooban si aan ereygii muwaadinka uga dhiibano doodda golaha ka

bilaabmi doonta.

Marka hore xukuumaddu waxay keentay 2 dokumenti oo ka mid 3-dii dokumenti ee hore warbaahinta

loogu faafiyay. Labadda ay hor keentay waxay ku kala suntanayeen: (1)Is-af-garadka labadda dawladood

ee Somaliland iyo Imaraadka (MoU) (2)Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD (Waa

siddii ciwaankiisu ahaa)

Hore waxaa warbaahinta iyo ilo kale loo helay 3 dokumenti oo kala ahaa (1) Is-af-garadka labadda

dawladood (2) Heshiiska Ceshiimadda Dekadda (Concession Agreement) (3) Heshiiska Shirkad ka

dhalanaysa heshiiska ceshiimada (Concession Agreement) oo wada-jir ay u yeelanayaan BPA (Berbera

Port Authority ama Hay’adda Maamulka Dekeda Berbera) iyo DP World oo magaceedu noqonayo

Berbera Port Operating Company (BPOC ama shirka hawl-gelinta Dekeda Berbera).

Waxaan aqalka wakiiladda saaka la hor keenin heshiiskii ugu muhiimsanaa saddexda(3) dokumenti ee

hore warbaahintu u baahisay wasiirka arrimaha dibadduna xaqiijiyay inay yihiin kuwii saxda ahaa. Waa

heshiiska Ceshiimadda (Concession Agreement) oo ah ka unkaya heshiiska saddexaad ee shirkadda

BPOC. Waxaa la keenay laba qoraal oo kala ah : (1)Is-af-garadka labadda dawladood ee Somaliland iyo

Imaraadka (MoU) (2)Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD (Waa siddii ciwaankiisu

ahaa)

Naqdigani wuxuu ku eg yahay “Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD (Waa siddii

ciwaankiisu ahaa”. Dokumentagani oo ciwaankiisu yahay sidaa hore ku qoran, wuxuu u dhigmaa

heshiiskii BPOC oo hore warbaahintu u sii daysay oo ka dhalanyay heshiiska ceshiimada (Concession

Falanqaynta Heshiiska Dekedda DP World iyo Somaliland- Xamse & Xuseen Page 2

agreement), in kastoo qodobbo heshiiska ceshiimada ahina ku dhex jiraan. Waxaan golaha wakiiladda la

hor keenin heshiiskii ceshiimada (Concession Agreement) oo ahaa ka la sugayay ee ugu muhiimsanaa.

  1. Milicsiga Guud : “Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD ”

Wuxuu nuxurka heshiisku ka kooban yahay 28 qodob oo kala ah:

 Qodobbo Guud (2 qodob)

 Saamileyda BPOC (1)

 Xubnaha Guddida BPoC

(2)

 Muddada Heshiiska (2)

 Xuquuqda Gaar-yeelidda

(1)

 Curaarta Heshiiska (2)

 Shaqaalaha (1)

 Hawlaha Balaadhinta

Dekeda (3)

 Lahaanshaha Dekedda (1)

 Tacriifadaha (2)

 Adeega Dekedda (3)

 Aaga Xorta/Free Zone (1)

 Warbixinaha (3)

 Nabadgelyadda (2)

 Xeerka lagu dhaqmayo

(1)

 Xalinta Khilaafaadka (1)

 Sidaan hore u soo xusnay waxaan meesha la keenin heshiiskii ceshiimadda (Concession

Agreement). Taa bedelkeeda waxaa la keenay is-af-garad (MoU) iyo qoraal ciwaan looga dhigay

“Nuxurka Heshiiska…” .

 Is-af-garadka (MoU) dhex martay labadda dawladood miyay tahay in la hor keeno aqalka

wakiiladda iyadoon loo rogin “ Bi-lateral Agreement”?

 Waxaa ku jira qoraalka Nuxurka Heshiiska qaladaad xaga daabacadda ah. Tusaale ahaan

qodobka 12aad waxaa isa seegan lacagta marka ay tiradda tahay iyo marka ay ereyadda tahay.

Waxaa la qoray “ ..Waxaa wajiga 1aad ku baxaya $42,000,000 (Laba iyo lixdan milyan..” Sidoo

kale qodobka 28aad waxaa la qoray waxa khilaafaadka dhexdhexaadinaysa ICC (International

Court of Crimes) taas oo ay nala tahay inaan heshiiskani ku jirin waxyaabaha ay ka gar-naqdo? In

la hubiyo ayay halkaasi u baahan tahay.

 Is-bedelo badan kama muuqdaan nuxurka heshiiska sida uu yahay iyo sidii qodobada ku qorani

ugu dhignaayeen qoraaladdii hore loo baahiyay. Meelaha kooban ee is-bedelka lagu sameeyay

waxaa ka mid ah qodobka shaqaalaha.

  1. Falanqaynta Qoddobadda Ugu Muhiimsan “ Nuxurka Heshiiska DP World iyo Somaliland”

 Heshiiska Ceshiimada (Concession Agreement) :Golaha wakiilada lama hor keenin heshiiska

ceshiimada ahaa (Concession agreement) kaas oo ahaa ka laga sugayay. Waxa la hor keenay

“Nuxurka Heshiiska Somaliland iyo DP World” sidaa darteed waxaa looga fadhiyay heshiisa, lama

filayn “Nuxur”. Siddo kale heshiiska shirkada hawlgelinta dekedda (BPoC) xeer-hoosaadka intaan

la keenin waa in la keenaa heshiiskaa iyada unkaya oo gaar ah iyo heshiiska shirkada oo aan lagu

Falanqaynta Heshiiska Dekedda DP World iyo Somaliland- Xamse & Xuseen Page 3

walaaqin qodobbo heshiis kale ka imanaya. Heshiiska faahfaahsan oo aan kala dhinayn ayay

tahay golaha metela shacabka Somaliland sugayaa in la hor keeno.

 Lahaanshaha Dekedda :Nuxurku heshiiska ee la hor keenay manta golaha wakiiladdu wuxuu si

aan mugdi ku jirin u cadeeyay in dekeda mulkiyadeeda aan la wareejin oo ay ahaanayso hanta

qaranka Somaliland leeyahay. Qodobkani wuxuu meesha ka saarayaa ku-tiri-ku-teentii ahayd

waa la iibiyay iyo waa la xaraashay dekedda.

 Maxaa cusub: Heshiiskani wuxuu noqonayaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee golaha wakiilada

la hor keeno. Hore heshiisyo waawayn oo shidaal ah oo la galay lama soo marin. Waxaan

rajaynaynaa inay talaabadani horseedo in kuwaa hore iyo kuwa dambaba la soo mariyo

waddada sharciga ah. Xukuumaddu way ku mahadsan tahay arrinkan.

 Shaqaalaha: Wuxuu qodobkan markii hore nuxurkiisu ahaa in BPoC (Shirkada hawl-gelinta

Dekeda ee la wada-yeelanayo) ay shaqaalaha intii ay uga baahato uun ka qaadanayso halka

imika laga dhigay shaqaalaha rasmiga ee heshiiska kula jira BPA dhamaantood waa la

qaadanayaa. Waxaan kala cadayn kuwa ay yihiin shaqaalaha rasmiga ahi, kuwa aan rasmiga

ahayn iyo heshiiskaa hore ee lagula jiray noocaa uu ahaa. Wax xuquuqo ah loo cayimay kuwa

aan rasmiga ahayn iyo wax dheef ah oo maal-gashigu u soo kordhinayo heshiis

 Qiimaynta Dekkedda: Marka laga duulo maal-gashiga guud ee la sheegay in dekedda la gelinayo

oo dhan $ 420,000,000 (Afar boqol iyo labaatan milyan oo doolar), iyo Saamiga 35% ah ee la

yidhi Somaliland baa yeelanaysa, waxaa la xisaabin karaa in dekedda lagu qiimeeyay

$147,000,000 (Boqol, afartan iyo toddoba milyan oo doolar). Su’aasha is waydiinta mudani waxa

weeyi, muxuu yahay qiimaha dhabta ah ee dekedda Berbera marka lagu xisaabtamo qalabka,

dhulka, dhismaha, marinka istraatijiga ah ee badda cas iyo macaamiisha dekedda ee itoobiya u

horayso. Qiimahan $147,000,000 ah ee aanu ka soo dhiraan-dhirinay qadarka maalgashiga guud

iyo saamiyadda lagu xusay nuxurka heshiiska la hor keenay wakiiladda.

 Qaybsiga Kuraasta Maamulka Shirkadda BPoC: Waxaa kale oo xusid mudan in tiraddii guddida

shirkada hawl-gelinta guud ee dekedda oo ahaa markaa hore 7 maamule ( 2 Somaliland

yeelanayso iyo 5 DP World), imika laga dhigay 9 maamule (3 Somaliland yeelato iyo 6 DP World

yeelanayso) taas oo 33% ka ah tiradda guud maamulka shirkada una dhiganta ku dhawaad

saamiga 35%-ka ee ay shirkadda Somaliland ku leedahay shirkada hawl-gelinta dekedda.

 Qaybsiga Macaashka: Waxaa nuxurka heshiiska lagu sheegay inn Somaliland macaashka

shirkada ku yeelan doonto 10% iyadoo saamigeedana lagu sheegay 35%. Tan macnaheedu waxa

weeyi in DP World ay qaadanayso 90%, iyadoo saamigeedana lagu sheegay 65%. Is-waafajinta

gashiga iyo dheefta ayaa u baahan in loo sharaxo shacabka iyo wakiiladda. Sidee iyaddoo

saamiga somaliland yahay 35% ay haddana macaashka uga heshaa 10%?

 Qaybsiga Macaashka: Curaarta (Fee-da) sanadlaha ay Somaliland helayso lagu sheegay

$5,000,000 (Shan milyan oo doolar). Waqti xaadirkan waxay dekedda miisaaniyadaha dawlada

Falanqaynta Heshiiska Dekedda DP World iyo Somaliland- Xamse & Xuseen Page 4

dhexe ku daraysay lacag inahaa ku dhow. Waxaa halkan u baahan in la cadeeyo sababta

muddada afartanka sano (40) ah ee soo socda aanay u kordhayn ee ay ahaanayso uun intii ay

dawladda dhexe siinaysay dekedda maal-gelinta ka hor. Waxaa xusid mudan in daraasaddo hore

o dawladda ka madax-banaan ay xuseen in xukuumaddii Somaliland ay waqtiyada qaar dekedda

ka heli jirtay lacago aad uga badan inta lagu qoro miisaaniyada. Odoroska lagu saleeyay in

curaartu noqota qadarkan kooban oo aanay is bedelin meelna laguma xusin.

 Muddadda Heshiiska: Waxaa heshiiska ku qoran in muddadiisu tahay 30 sano ooh ore iyo 10

sano oo kale oo haddii DP World ay ku darsan doonto. Haddaba Akhriste ma kula tahay in aanay

DP World u baahan doonin 10 kaa dambe? Lagama yaabo inay tidhaa uma baahni. Markaa

dadku wuxuu xaq u leeyahay inoo fahmo midka heshiisku yahay 40 sano iyo inuu yahay 30 sano.

 Qoddobadda Kale: Waxaa iyaguna iftiimin iyo faahfaahin u baahan qodobadda ay ka midka

yihiin : bixinta qandaraasyadda dhismaha, jaan-goynta tacriifadaha, xuquuqda gaar-yeelida iyo

xalinta iyo khilaafyada.

III. Talooyinka iyo Soo-jeedinahayaga

Xukuumadda waxaanu u soo jeedinaynaa:

 In xukuumadda heshiiska oo dhamaystiran keento. Heshiiska looga fadhiyaa waa heshiiska

ceshiimada (Concession Agreement-ka) iyo heshiiska ka dhalanaya ee shirkadda hawl-gelinta

dekedda (BPoC).

 In dekedda Berbera lagu sameeyo qiimayn madax-banaan iyadoo la xisaabinayo agabka,

qalabka, dhismaha, dhulka, istraatijiyada marinka baabal mandebka, iyo suuqa way nee marinka

ay u tahay ee dalalka itoobiya iyo kuwo kale.

 In la sugo xuquuqaha shaqaalaha rasmiga iyo kuwa aana ahayn rasmiga ee muddada faraha

badan shaqaynayay oo qaranka xil ka saran yahay. Siddoo kale waa in xukuumadu xil badan iska

saarto mustaqbalka kuwa laga maarmi doono iyo kuwa la siin shaqayn doona shirkada hawlgelinta

dekeda oo la sugo inay galaan heshiis u qalma shaqadda ay qabanayaan iyo sharaftooda

muwaadinimo.

 In Xukuumaddo soo gudbiso soon unugto Xeerka Maamul ee Hay’adda Maamulka Berbera

(Berbera Port Authority – BPA). Hore BPA magac ahaan way u jirtay, waxaanse cadayn qaabdhismeedkeeda,

qaabkeeda go’aan gaadhiseed, xubnaheeda, sida loo soo magacaabayo iyo

xayn-daabkeeda masuuliyadeed. Waxaa samaynta xeerka daruuri ka dhigaya masuuliyadda uu

heshiiskani siinayo ee ah inay qaranka Somaliland uga wakiil noqoto kormeerka iyo la

socoshadda heshiiskan iyo ijtijaaha siyaasadeed iyo maamul ee dekeda.

Golaha Wakiilada waxaanu u soo jeedinaynaa:

Falanqaynta Heshiiska Dekedda DP World iyo Somaliland- Xamse & Xuseen Page 5

 Golaha wakiladuu waa in aanay doodda guda gelin iyagoon helin heshiiska saxda ah ee

dekedda (Concession agreement).

 In sida sharcigu yahay goluhu ka doodo oo aan duuduub lagu ansixin heshiiska. Waxaa

laga maarmaan ah in heshiiska ansixintiisa loo eego xeerka maalgashiga shisheeshe,

xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo xeerarka kale ee dalka.

 In golaha wakiiladu ay hawl-geliyaan la-taliyayaashooda sharci, siyaasadeed iyo

dhaqaale. Siddoo kale waa inay raadsadaan la taliyayaal caalami ah haddiiba ay u

baahdaan.

 In waqti fiican golaha wakiiladu ay siiyaan heshiiska waqti ku filan oo ay ka

dooddaan,wax-kaga bedelaan, ku diidaan ama ku ansixiyaan heshiiska.

Golaha Wakiilada waxaanu u soo jeedinaynaa:

 Warbaahitu waa inay ku dedaashaa inay xaqiiiqada dadka u soo gudbiso. Heshiiskan oo ah

fursad wayn oo Somaliland heshay waa in aan la buun-buunin ama been laga sheegin oo

xaqiiqada uun ay warbaahintu dadwaynaha ugu dedaasho.

 Mucaarid iyo muxaafidba inaan la siyaasadayn heshiiska lagana wada shaqeeyo inuu noqdo mid

u adeega danta guud ee qaranka. Mid shaqooyin u abuura dhalinyaradda, mid soo jiida maalgashiyo

kale, mid sii xoojiyadda madax-banaanida Somaliland, mid xoojiya amniga iwm.

 Ururada bulshada ee rayidka ahi waa inay kaalin firfircoon ka qaataan sidii heshiisku u noqon

lahaa mid sida ugu haboon looga faa’iidaysto. Waxay samayn karaan dooddo ay ku kulmiyaan

dadwaynaha iyo inay wacyi-gelin xaqiiqo ku salaysan sameeyaaan iyo inay xukuumada culays ku

saaraan inay heshiiska gelistiisu noqoto mid ban-yaal ah (Transparent(.

 Guud ahaan bulshaddu waa inay xukuumada iyo wakiilada siiyaan kalsooni isla markaana ay isha

ku hayaan xildhibaanadoodu ay u adeegayaan iyaga.

  1. Gunaaadka

Waxaan ku soo gunaanadaynaa in sababta aanu u samaynay ahayd uun iftiimin iyo inaan ka

qayb noqono dadka doonaya in fursadan soomaalilaan uga faa’iidaysto sida ugu haboon.

Waxaan u aragnaa in maal-gashagani haddii sida uga fiican loo galo uu noqon karo mid fursad

wayn oo dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho uu horseedi karo. Haddii aan si fican oo xilkasnimo ah

aan loo gelina uu noqon karo mid la qoomameeyo. Waxaan aaminsan nahay in heshiis

muddadiisu tahay 40 sano ee socda aanaan ka noqon Karin daawadayaal.

Waxaanu ku soo af-meeraynaa : “ Ilaahow eexna ha nagaga tegin, aqoon darrana ha nagu

cadaabin”

 

AQOONYAHAN Xamse C. Khayre & Xuseen Cabdi Cali (Badhaani)

hamse.khaire@gmail.com

Exit mobile version