WAJAALE NEWS

DAAWO: Xisbiga Wadani Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Siyaasiyiin, Odayaal kasoo Diga Rogtay Xisbiga Kulmiye Iyo Weedhihii Masuuliyiinta Ka Hadlay Madasha.

Hargeisa(WJN):-xisbiga mucaaridka aha ee wadani ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyay xubno ka soo digo rogtay kulmiye oo si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga mucaaridka ah ee wadani.
Tageerayaashan Baaxada Leh ee ku soo biiray Xisbiga Wadani ayaa waxa ay ka soo jeedaan Dagmooyinka 26Jun Iyo Ibraahim Koodbuur iyo gacan libaax Ee Magaalada Hargeysa.

Tageerayaashani Waxa ay shegeen in ay ku soo biireen xisbiga Wadani Isla Markaana ay ka soo digo rogteen Xisbi xaakimka Kulmiye Iyago Xisbiga Waddani Ku Sifeeyay Xisbi Cadaalad iyo Horumar ku hanaan kara Guud ahaan Dalka Jamuuriyada Somaliland.
Masuuliyiinta xisbiga wadani ayaa xubnahan si diiran u soo dhaweeyay kana sifeeyay inay yihiin shaqsiyaad aad u muhiim ah.

Halkan ka daawo

 

 

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version