WAJAALE NEWS

Xog Cusub Oo Iftiimisay Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Faracididood Kaga Badbaaday Isku Day Dil Xiligii Uu Socday Afganbigu

Hargeysa(Wajaalenews)July.19,2016-Xog cusub oo la helay ayaa xaqiijisay in madaxwaynaha dalka turkiga Rajab Tayyib Ordagan uu faro cidiyahood kaga badbaaday in la khaarajiyo wakhtigii uu socday inqilaabkii fashilmay ee qayb kamid ah ciidamada millatarigu dalkaasi sameeyeen hebeenkii jmicahii todobaadkan.

Sida uu baahiyay wargeyska DailyMall oo Jamhuuriya soo xigtay xalay . Saraakiil ka tirsan ciidanka turkiga ayaa bixiyay xog cusub oo xaqiijiyay in madaxwayne Ordagan haliska ku galay in la dilo daqiiqado yar gudahood, kadib markii qaar kamid ah diyaaradihii dagaalka eek a qay qaadanayay hawlgalkii inqilaabku  ay hawada ku hadideen diyaaraadii uu saarnaa madaxwaynuhu xilli uu kasoo baxay magaalo xeebeeda Marmaris oo uu ku sugnaa markii uu inqilaabku bilaabmay kuna sii jeeday magaalada istanpul.

Laba sarkaal oo ka tirsan dawlada turkiga oo aanay wargeysyadu magacyadooda baahin ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalku ee loo yaqaan F-16 ay hadidaaad iyo khal-khal galin u gaysteen diyaaradii uu saarnaa madaxwayne Ordagan.

 

 

Exit mobile version