WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Ceerigaabo 24 Saacadood Kaga Boqoolay Bulshadana Aan La Hadlin Iyo Dareenada Ku Xeeran!!

Ceerigaabo(Wajaalenews) :Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi oo galabnimadi shalayto isagoo hoggaaminayey wefti heer-qaran ah soo gaadhey magaalada Ceerigaabo kuna sugnaa habeenkii xalayto ayaa galabnimada maanta oo Jimce ah wuxu halkaas uga boqoolay dhinaca caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiir-Maxamuud Xaashi oo maaddaama ay tahay markii ugu horraysey intii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyada ee uu yimaaddo magaalada Ceerigaabo la filayey in maalinta beri ee Sabtida ah uu fagaare bulshada ama saxaafadda kala hadlo ugana warramo ujeeddada socdaalkiisa iyo muddada hal habeenka ah ee uu Ceerigaabo ku sugnaa wixii u qabsoomay ayaanay taasi dhiniciisa ka qabsoomin marka laga reebo kulanno gaar ahaaneed ee uu xalayto layeeshay qaar kamid ah beelaha deggan Ceerigaabo, balse taasi beddelkeeda ka boqoolay halkaas.

Lama saadaalin karo lamana oga ilaa hadda xaqiiqada ka danbaysa deg degga Wasiirkan Madaxtooyadu uga boqoolay magaalada Ceerigaabo.

Waxana xusid mudan in Wasiirkan Madaxtooyada iyo Weftigiisu galabnimadii shalayto kolkay soo gaadheen magaalada Ceerigaabo aanay kala kulmin wax soo dhowayn ah marka laga reebo mas’uuliyiinta/shaqaalaha dawladda iyo dad tiro yar

 

 

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version