WAJAALE NEWS

Turkiga Oo Shaqada Ka Joojiyay 15,200 Oo Macalimiin Iskuulada Iyo Jaamacadaha.

turki(5)Hargeisa(WJN):-Turkiga ayaa shaqada ka joojiyay 15,200 oo macalimiin iskuulada iyo jaamacadaha.

Wasaarada waxbarashada ee Turkiga, ayaa ku eedeysay inay xiriir la lahaayeen Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka, oo ay dowladda Turkiga ku eedeynayso inuu ka danbeeyay afgambigii milatariga ee guuldaraystay.

Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.
In ka badan 1500 oo gudoomiyayaasha jaamacadaha ayaa sidoo kale gudiga waxbarashada sare ay ku amartay in shaqada laga joojiyo.

Ra’iisalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa balanqaaday inuu talaabo ka qaadi doono taageerayaasha Gulen.

“Xididada ayaaan ka jari doonaa si uusan urur argagixiso uusan u qiyaamayn dadkeena mar kale” ayuu Mr Yilddirim u sheegay Reuters

 

 

 
Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version