WAJAALE NEWS

Shirkadaha Maamula Haamaha kaydka Berbera Oo bilaabay Qorshe Halis galiyay Ganacsiga Xorta + Shidaal ay Leeyihiin Ganacsato Reer Somaliland ahi Oo Mudo Xaniban.

HARGAYSA(Wajaalenews) Shirkadihii dhawaan xukuumadu ku wareejisay haamaha kaydka shidaalka Berbera ayaa kooto ku xidhay Isticmaalka Haamaha kaydka shidaalka Berbera iyaga oo gabi ahaanba qaadacay in ay shirkadaha kale ee soo dajiya shidaalku ku shubtaan wax shidaal ah  haamaha kaydka.

Waxaanay wararka naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil tibaaxayaan in shirkado sida shidaal jaban ay Mudo ku xaniban yihiin  biyaha bada Somailand kuwaas oo ay shirkadahan kootaystay haamuhu u diideen in ay shidaalka ku shubtaan kaydka loogu talo galay  ee haamaha shidaalka Berbera,waxaana shirkadaha ay u raran yihiin maraakiibta shidaalka sida ka mid ah shirkada soo dajisa shidaalka ee National Fuel Station iyo laba shirkadood oo kale.

Shirkadahan lagu wareejiayay haamaha shidaalka ayaa ah todoba shirkadood oo ay hormood u yihiin Red sea petroleum. Hass petroleum. Ali waraabe petroleum Som petroleum  kuwaas mudadii ay gacanta ku hayeen haamaha ku dhaqaaqay talaabooyin aan dan u ahayn shacabka somaliland kana soo horjeeda nidaamka suuqa ganacsiga xorta ah ismarkaana  isagoo dhanka kale ku heshiiyeen in aan cid kale la isticmaali karin kaydka haamaha shidaalka taas oo ay ka baqdin qabaan in ay yimaadaan shirkado kale oo keena shidaal jaban,

Talaabada kale ayaa ah iyaduna in ay jaangooyaan qiimaha shidaalka kuna Iibiyaan  qiimaha iyaga u dan ah oo ku qaali ah shacabka xataa hadii caalamka ka jabo shidaalku ,

waxaana mudadan u danbeeyay kor u kac ku yimid qiimaha shidaalka taasi oo ay ugu wacan tahay xanibaada ku timid shirkadaha kale ee keeni lahaa shidaal jaban oo xiligan ku xaniban biyaha bada Berbera

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version