WAJAALE NEWS

Mid Ka Mid Ah Suxufiyiinta Muqdisho Ka Howlgala Oo Ku Dhintay Qarax Miino

Hargeysa(Wajaalenews)-Wariye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan) ayaa lagu dilay saaka qarax loogu xidhay gaadhigiisa, iyadoo gaarigiina uu bas-beelay, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo wariye gaarigiis loogu xiro miino.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne, iyadoo qaraxa uu dhacay xilli uu ku sii socday shaqadiisa, isagoo hadda ahaa tifaftiraha idaacadda Mustaqbal oo ka mid ah idaacadaha FM-ta ah ee Muqdisho ka shaqeeya.

“Wariye Keynaan waxaa gaarigiisa loogu xiray waxyaabaha qarxa, iyadoo gaarigiisu uu qarxay 7:40-daqiiqo xilli uu shaqo ku socday. Wuxuuna u shaqeynayay laba idaacadood oo kala ah Radio Ergo oo ka hadla arrimaha bani’aadamnimada iyo Radio Mustaqbal oo ka hadla arrimaha siyaasadda dalka,” ayuu yiri wariye ay si aad ah isugu dhawaayeen

Dilka wariyahan ma jirto cid sheegatay, balse xubno ka hadlay ayaa sheegay inuu ahaa mid la doonayay in lagu dilo wariyaha ayna u suuro-gashay kooxihii doonayay inay dilaan wariye Yuusuf Keynaan.

Marxuum Keynaan ayaa kasoo shaqeeyay idaacado kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Shabelle, Kulmiye iyo kuwo kale oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, wuxuuna ahaa wiil dhalliyaro ah oo dadaal badan.

Gaarigii wariyuhu watay ayaa ku gubtay goobta, kaddib markii uu dab qabsaday, waxaana dilkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo lagu dilo wariye ka howlgala Soomaaliya.

Booliiska degmada Xamar-weyne oo goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ayaa wada baaritaanno ay ku ogaanayaan qaabka qaraxa uu u qarxay iyo sidii ay ku heli lahaayeen kooxihii ku lugta lahaa.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka ugu khatarta badan caalamka ee ay ka howlgalaan suxufuiyiinta, inkastoo cadadka wariyeyaasha lagu dilo sannad walba ay aad hoos ugu dhacday haddana waxay laba sano ka hor ahayd dalka suxufiyiinta lagu dilay kuwa ugu horreeya

Exit mobile version