WAJAALE NEWS

Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Markii U horaysay Ka Hadlay Isticmaalka Dalkiisa Ee Dekedda Berbera.

HARGAYSA(Wajaalenews) Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay isticmaalka dalkiisa ee Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland, isaga oo sheegay in baahida ay u qabaan waxyaabaha ay la soo degayaan iyo kuwa ay dhoofinayaan in aanay dabooleyn Dekeddaha Jabuuti.

epa02916969 Ethiopian Foreign Minister Hailemariam Desalegn addresses a joint press conference after his meeting with his Egyptian counterpart Minister Mohammed Kamel Amr (not pictured) in Cairo, Egypt, 14 September 2011.  Ethiopian Foreign Minister arrived on an official visit to Egypt on 14 September, days before the planned visit of Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi who is due to meet with Egyptian officials. According to local media reports, the Nile Basin negotiations and the situation in Libya, Sudan and Somalia will be the main focus of the talks.  EPA/MOHAMED OMAR

Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya oo ka hadlayey munaasibad sanadlaha ah ee wax soo saarka Wershadaha dalkiisa, ayaa markii u horeysay cadeeyey in aanu dalkiisu kooto ugu xidhnaan doonin isticimaalka Dekedda Jabuuti oo hore ay ugu tiirsanaayeen, waxaanu hoosta ka xariiqay in ay diyaar iyo xor u yahay u wareegida dekedda Somaliland oo Casriyeynteeda dhawaan la bilaabayo.

Sida uu baahiyey Telefishanka Qaranka Koonfur Afrika ee SABC-TV, waxa uu  xusay Raysal Wasaare  Hailemariam Desalegn in kobaca dhaqaale ee dalkiisu sababay in ay Dekeddo kale u wareegaan, waxaanu yidhi “In kasta oo Itoobiya ay si weyn ugu tiirsaneyd dhinaca Dekedda dalka Jabuuti, naga ma joojin  doono in aanu raadsano Dekeddo kale oo aanu ku bedeleno sida Dekeddaha Somaliland iyo Kenya.”

Dawladda Itoobiya, ayaa hore u sheegtay in ay 30% waxyaabaha ay la soo degto ay u soo wareejisay Dekedda Magaalada Berbera, iyada oo si weyna u soo dhaweysay casriyeynta lagu samaynayo Dekedda Berbera.

Exit mobile version