WAJAALE NEWS

Jamaal Cali Xuseen Oo Wariye Muniir Axmed Cigaal La Socday Markii La Xidhayay Oo Ka Waramay Qaabka Ay Wax U Dhaceen

Hargaysa(wajalews)-Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka warbixiyey qaabkii iyo sidii loo xidhay Muniir Axmed Cigaal oo ah Murashax Golaha Wakiilada ee gobolka Saaxil,sidoo kalena ah Guddoomiyaha Warbaahinta Somalilandtoday Media Group.
Murashaxa Jamaal Cali Xuseen oo la soo xidhiidhay wargayska iyo shabakadda Somalilandtoday kadib markii la xidhay Wariye Muniir Axmed Cigaal oo gaadhigiisa lagala degay ayaa sharaxay qaabkii xadhigiisu u dhacay, waxaana uu yidhi:

 

“Maanta anagoo marayna Hotel Maansoor oo aanu qado ku lahayn ayay na joojiyeen ciidamada boolisku, dabadeed waxay amreen inuu Muniir soo dego markii aan ku idhi hadaad xidhaysaan waaran sharci ma u sidataan waxay yidhaahdeen mayee amar wasiir baanu haysanaa amarna wasiirna waxba laguma xidho, anigoo Murashax Madaxwayne ah la iguma ixtiraamine xoog baa lagu kexeeyey, aniga ayaa idiin keenaya ayaan ku idhi way diideen oo iimay qiimeen markaa wallahi ninkaas si milgaha baal marsan ayaa loo xidhay intay isku jebiyeen ayay gaadhiga xoog ku galiyeen, markaa dadkii haldoorka ahaa ee dadka ku jiray haddii sidaas loola dhaqmo miyaanay mid subxaanale ahayn”
Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa shegay inay ciidamadu qaab argagax leh ula qabteen Wariye Muniir Axmed Cigaal, waxaana uu yidhi ” sidii dawladda milatariga ahi u dhaqmi jirtay ayay u dhaqmeen wax naxariis ah may samayn markaa sidaas ayay wax u dhaceen”
Si Kastaba ha ahaatee xadhiga Muniir Axmed Cigaal ayaa la xidhiidha dano siyaasadeed iyo caga juglayn aan meel gaadhsiinayn.

 

Exit mobile version