Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo Xarunta Wasaaradda Warfaafinta kula hadlaysay Qaybaha Warbaahinta Somaliland ayaa Sheegtay in ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ay saaka soo weerareen Ciidamada Somaliland oo degan Saldhiga Boodda-cad oo ku yaalla duleedka Degmada Dhahar ee Bariga sanaag, Waxayna Xustay in Ciidamada Qaranku Dhirbaaxo kulul gaadhsiiyeen Ciidamadii Ku Soo Xadgudbay Xuduuda Somaliland Gacantana lagu Dhigay Maxaabiis dagaal.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta oo ka hadlaysa arrimahaas waxaa hadalkeedii ka mid ahaa COD
Sidoo Kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafintu Waxay ka hadashay Khaasaraha ka dhashay Weerarkaas Qaawan ee Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Puntland ku soo Qaadeen Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Saldhiga Booda Cad. COD
Dhinaca kale Waxay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafintu Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ay Cadaysay in Hawlgalka Qaran ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu ay Sidii loo Qorsheeyay uga Socoto Deegaanada Bariga Gobolka Sanaag Isla markaana aanay Jirin Wax Hakad ah oo Ku Yimid