WAJAALE NEWS

Weerar Lagu Qaaday Tel Aviv Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac.

Micky Rosenfeld, afhayeenka booliska Israel, ayaa sheegay in suuqa uu xilligaasi ahaa mid ay dad badan ka dukaameysanayeen.

Booliska Israel iyo howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in laba nin oo Falastiiniyiin ah ay rasaas ku fureen goob ku taalla magaalada Tel Aviv, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 4 qof.

Kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa sheegay in 13 qof oo kale ay ku dhaawacmeen rasaastaasi ka dhacday suuqa dukaameysiga ee Sarona, kaasoo waxyar u jira wasaaradda difaacada ee dalkaasi.

Micky Rosenfeld, afhayeenka booliska Israel, ayaa sheegay in suuqa uu xilligaasi ahaa mid ay dad badan ka dukaameysanayeen.

Mr Rosenfeld ayaa intaa raaciyay in xilliga uu weerarka dhacayay ay goobta ka agdhawaayeen ciidammada ammaanka.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa booqday goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana uu cambaareeyay
 
kuwa weerarka ka dambeeyay.

Booliska ayaa hadda gacanta ku haya laba nin oo lagu tuhunsan yahay in ay weerarka fuliyeen, mid ka mid ahna waxa uu qabaa dhaawac rasaas kasoo gaartay.

 

Source:BBC.

 

Wajaalenews.net

Hargeisa Office

Wariye:Abdiqadir Habane

Exit mobile version