WAJAALE NEWS

Madaxda DHaqanka Beelwaynta Subeer Awal Oo Shir Hordhac ah Ku Go,aamiyay In Si Mug Leh Looga Qeybgalo Shirka Gobolka Saaxil Lagu Qaanayo

Hargeysa(W,N)-Salaadiinta dhaqanka beelaha subeer awal ayaa habeenkii xalay ahaa shir ay ku yeesheen Caasimada Hargeysa ku go,aamiyay in si mug leh looga qeyb galo Shirka dhawaan lagu qabanayo Gobolka Saaxil.

Shirkan oo uu gudoominayay Suldaanka Guud ee beelaha Subeer/Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye,islamarkaana ay goob joog ka ahaayeen Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka, Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif),iyo Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen(Dhagaweyne),aqoonyahan tira badan Salaadiinta Subeer/Awal iyo duqey iyo waxgarad kale.

Waxaana muhiimada Shirkan lagu lafagurey in Beesha Subeer/Awal si deg deg ah ugu kulmaan Shirweyne ay kaga tashanayaan aayahooda islamarkaana ay gogol ugu fidinayaan beelaha kale ee Somaliland  Garxajiswayne,Arab,Ayuub,Samaroon,Harti Iyo Ciise sidaasna loogasii gudbi doono wada tashi midaysan oo ay yeeshaan dhamaan beelaha  Somaliland.

1-Prof.Ibraahin Axmed

2-prof,Xuseen Barbaraawi

3-Aqoonyahan Maxmed Odowaa Cigaal

4-Aqoonyahan Cali Aw Jaamac

5-Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan(Suldaanka Guud ee Subeer/Awal

6.Suldaan Shariif Batuun

7-Suldanka Sacad Muuse Mawliid Cali Ibraahim (Sabayse)

8-Rashiid Jaamac Dhari(Sheekhul-Axmar)

9-Cabdiraxmaan Muxumed Baadil

10-Mujaahid Ibraahim Cabdlaahi Xuseen(dhagaweyne)

11-Mujaahid Maxamed Xasan Cabdilaahi(jidhif)

Waxaanay xubnahani hurmuud u yihiin xubnaha Gudida Qabanqaabada Shirkan Deegaanka Saaxil ay dhawaan ku qabsan doonaan beelaha Subeer/Awal iyadoo wixii faafaahin ah ee la xidhiidha Shirkaasi aad kala socon doontaa xogaha kasoo baxa kulanada dambe ee kulankan ku xidhiidhsan.

 

 

 

Exit mobile version