Ka hor ka jiri jirey dalalka yurub, waa Nidaam halis ku ah sii jiritaanka JSL una Daran dadkeena oo danyar u badan isla Markaana waa nidaam inta yari
Ay ku dul noolaato inta badan,
Kelmeda Burjuwaa macnaheeda waxa
Lagu macneeyey caloosha xaaraanta,
Sida taariikhdu qortey (1675) waxa dalka Faransiiska ka talin jirey boqortooyadii la Odhan jirey liwigii afar iyo tobnaad oo Dalka ku maamuli jirey nidaamka Burjuwaaga,
Tirada dadka faransiiska waxa xiligaa Lagu sheegey (26) milyan oo qof,
Dabaqado kala sareeya ayaa dalka ka Jirey, (3) milyan oo dabaqada Burjuwaaya Ayaa ku dul noolaa (23) milyan oo faransiis ah oo noloshoodu liidatey, Dabaqada Burjuwaagu waxay ka Koobnaayeen kuwa xukunka haysta oo Ay uugu sareeyaan,
- Boqorka iyo qoys kiisa.
- Ganac satada kuwa ay isku danta Yihiin,
- Baaderiyada mikinisedaha.
- Kuwa dhaqanka lagu sheegey.
Intaas iyo in u adeegta mooyaane dadka Inta kale bakhtiga ayaa xalaal u ahaa, Weliba waxa u dheeraa xaqdarada lagu Hayey cida laga dareemo damqasho iyo Wixii la mida saqda dhexe ayaa guryaha Lagala bixi jirey dibna looma arki jirin,
Ugu dambeyntiina dalka faransiiska waxa Ka dhacay kacdoon dad weyne oo Gacmaha la iskula tegey halkaas ayaa Lagu bur buriyey boqortooyadii iyo Burjuwagiiba, tirada dadka ku dhintey Kacdoon Kaas waxa lagu qiyaasay (7) Milyan oo faransiis ah, ka dibna markii Xaaladu fara ka baxday ee dhiigu Qulquley dadka Faransiisku waxay Samaysteen oo ay ku heshiiyeen Sharciga ay ilaa maanta kuwada
Noolyihiin,
Hadaan dalkeena u soo noqdo waxba
Kama duwena xaaladii xiligaa ka jirtey Dalka faransiiska,
Distoor iyo sharci toona kama shaqeeyo
Dalkeena oo waa la iska tiiriyey,
Qaabka nidaamka dalkeenu u dhisan
Yahay ayaa ah sidan soo socota,
- M/weynaha qoys kiisa iyo inta ku
Jirta maamul kiisa.
- Ganac satada kuwa ay isku
Danta yihiin sida kuwa la siiyey haamaha
Berbera kuwa la siiyey wershedaha laydhka lamana odhan karo runtii waa
Ganac sato waxay la mid yihiin Xasharaadka la yidhaahdo tukhaanta oo Waxay cabaan dhiiga shacbiga,
- Salaadiin samays ah oo aan ahayn Salaadiintii beeluhu lahayeen isla
Markaana habeen iyo maalin dhex
Taagen qasriga m/tooyada,
- Kuwo culumo sheegta oo loo
Adeegsado jaha wareerka shacbiga
Isla markaana aan ka hadal tacadiga
Iyo dhibaatada lagu hayo shacbiga,
Maanta waxa jira ilaa (3) kun oo ka
Tirsan dabaqada Burjuwaaga isla
Markaana u nool sida boqorada carabta
Oo aan la moodin iney joogaan JSL,
Waynu ka war haynaa inaan caruurtu
Wada helin wax barasho loo siman yahay Waynu ognahay inaanu jirin dhakhtar iyo Goob caafimaad oo loo siman yahay,
Waxaynu ka war qabnaa inaaney jirin
Cadaaled loo siman yahay,
Waxa intaas raacda waxyaalo aan
Marna lays odhan waxay ka dhici kartaa Dalkeenan yar ee faqiirka ah isla Markaana aan weli cidi aqoonsan sida Hantida umada ee la dhacay oo
Lagu qiyaasay boqolaal milyan oo doolar Oo hadana aaney jirin cid ka halaysa iyo
Cid is weydiineysaa toona,
Ka darane lacagtaas inta debedaha la
Dhigtey mooyaane inta kale waxa
Lagu isticmaalaa isku dirka iyo kala Fogynta dadkii waxan lahaa,
Waxa kaloo lagaga shaqeeyaa Cabudhinta saxaafada iyo in lagaba Dhigto saxaafada mid Burjuwaaga u
Adeegta si aanay dad weynuhu waxba u Ogaan, runtiina saxaafadu intii ka
Horeysey maamulkan Axmed Siilaanyo Waxay u adeegi jirtey shacbiga imikase
Saxaafada badan keedu waxay u
Adeegtaa maamulkan hada jira,
Waxa kaloo jira ciidamo loo taba baray
Cabudhinta iyo guryo u daadashada oo Loogu tala galay kolba cida laga dareemo Damqasho iyo iney kasoo hor jeedaan Burjuwaaga, waxaan kusoo gaabinayaa Qoraalka inta aanu kacdoon dad weyne Ka dhicin dalka farahana aanay ka bixin
Waa in meel looga soo wada jeesto is
Dhaafinta maamulkan Burjuwaaga,
Hadii kale waxay gaadhi meel aan dib Looga Soo celin karin, AHN wuxuu yidhi
Abwaan Gaariye,
Samada kamay iman waxaa rag isa
Siiyeene saamigeygii ayaa laga
Tabcaday sarahan dhaadheer.
Ana waxaan ku daray
Saxaafada waxa loo sacsacey
Boogta yey sarin.