WAJAALE NEWS

XEERKII DILKA “LAW NO 54” EE LAGU SOO OOGAY MUJAAHIDIINTA UFFO 6TH MARCH ,1981 IYO DOORKII ENG.FAYSAL CALI WARABE .

Qormooyinki hore   waxaan ku iftiimiyay   ujeedooyinkii uu  General Gaani jeelka Mogadishu uga soo saaray Eng.Faysal Cali Waraabe oo u xidhna wax-iswaydaarin & xatooyo.  Eng Faysal wuxuu soo gaadhay  Hargeisa  July ,1981 waxaanu markiiba ku dhaqaaqay  inuu ka shaqeeyo habkii uu isagu xidhilahaa  “UFFO”  iyo General Gaani .  Wuxuu  soo abaabulay  kulan  lagu qabtay guri ku yaallay  “Xaafada Shidka”  oo uu  deganaa Abtigii Muj Axmed Xussein Caaby bishii  Aug,1981. Eng Faysal  wuxuu  soo jeediyay  inay la shaqeeyaan  General Gaani oo ahaa Taliyaha Guud ee Gobollada Waqooyi. Wuxuu dhalinyaradii shirka fadhiday dareensiiyay in hirdanka Somalia ka  socdaa  ka dhaxeeyo Majeerteen iyo  Mareexaan. Marka waxa Reer Sheikh Isxaaq  la gudboon inay taageeraan  Taliska Siyaad Barre oo ay ka faa’idaystaan ganacsagii loo yaqaanay “Franco Valuta – “ .Waxa ganacsigaas lagu naas nuujin jiray loona ogolaa dadka   taageera   Taliska Siyaad Barre. “ Franco Valuta was issuance of trade  licenses to importers of goods on which no foreign exchange was  payable”. Aqoonyahanadii  UFFO   way ku gacansaydheen , waxaanay u sheegeen Eng Faysal  inuu barnaamijkaas ula tago ganacsatada iyo odayaasha. Diidmadaas ka dib, Eng Faysal wuxuu la kulmay laba nin oo ay ilmaadeer hoose  ahaayeen oo kala ahaa : 1. Adan Cali Guhaad  “ Adan Waali” , wuxuu ku dhashay  degmada Awaare,Ethiopia,  1947. Dugsiga Dhexe wuxuu ku dhamaystay Oodwayne  1962, dugsiga sarena Sheikh Secondary School 1966. Wuxuu sarkaal sare ka ahaa ciidamada denbi baadhista  “ CID “.  Markii uu shaqada  ka fadhiistay  wuxuu noqday jeeble  ka ganacsada Berbera- Jeddah , kuna shaqaysta nidaamka “Franco Valuta “.  2. Cabdi laangadhe wuxuu ka mid ahaa haldoorka Hargeisa,   waxaanu kana dhex muuqan jiray mafrishyada iyo goobaha  lagu kulmo  .  Eng Faysal wuxuu isbaray Gen Gaani iyo labada oday, waxaana lagu heshiiyay inay soo dhego dhegeeyaan dhaqdhaqaaqa “ UFFO”.  General Gaani wuxuu soo bixiyay Jeega Wareega “ Assigno Circulare “ Sh.40,000  una dhiganta $ 6,300  sarifkii waqtigaas sh 6.357 per US dollar . Jeegaas waxa ku qornaa Eng Faysal Cali Waraabe. Oday Cabdi Laangadhe  &  Adan Waali waxay  ku guulaysteen inay helaan nuqul ka mid ah Joornaalki UFFO . Waxay ka heleen guriga Prof  Axmed Jabane  oo ay ku qayilaayeen  dhamaadkii bishii Oct,1981. Waxay markiiba gacanta u geliyeen  General  Gaani  & Daahir Ciid, oo ahaa taliyaha  ciidmada Hangashta. Waxay wadajir u  saxeexeen warqad markhaati ah “ Affidavit “ oo cadaynaysa inay joornaalka UFFO kasoo heleen Guriga Axmed Jabane, oo ku yaalay  Indiyan Lineka.  Guriga Prof Axmed  Jabane  waxa inta badan ku qayili jiray  xubnaha  UFFO. Markii joornaalkaasi ku dhacay gacanta  General Gaani  dhamaadkii Oct,1981, waxa  lasoo xidhay  Prof Axmed Jabane, 2nd Nov ,1981,   Eng Maxamed  Barood, 4th Nov, 1981. Waxa ku xigay 26  xubnood  oo u badana dhakhtaro iyo macalimiin.  Waxa lagu  eeday qaran dumis  waxaana loo cuskuday Law No 54 oo ahaa “ Dil- Capital Punishment “.   Law No. 54 wuxuu u dhignaa sidan “ “ National Security Law No. 54,  grants  the NSS the power to arrest and detain indefinitely those who express critical views of the government. It further gives the NSS the power to arrest without a warrant anyone suspected of a crime involving “national security”. Article 1 of the law prohibits  “acts against the independence, unity or security of the State”, and capital punishment is  mandatory for anyone convicted of such acts”

Qormadda  soo socota waxaynu kaga eegi  doona xukunkii lagu  riday 20 xubnood oo ka mid ahaa UFFO , xukunkaas oo lagu dhawaaqay 6th March,1982.

 

Drs Hoodo Yusuf, London, UK.

yhoodo@yahoo.com

Exit mobile version