SHIRQOOLADA DHAGARAYSAN EE RAYSAL WASAARE KU XIGEENKA SOOMAALIYA MAXAMED CUMAR CARTE UU KU BURBURINAYO KUNA WIIQAYO MIDNIMADA SHACABKA DIMUQURAADIYADA IYO NABAD GALYADA QARANKA S/LAND KU CAANO MAALAY
Iyadoo Bulsho Waynta S/land u dabaal dagtay Sanad Guuradii Shann iyo Labaatanaad ee ka soo wareegtay Maalintii lagu dhawaaqay la soo noqoshada Qaranimada S/land 18/5/1991 waxaan ku sabootiyaynaa Bishan Barakaysan ee May Qormooyin taxane oo aan ku lafo guri doono Habaar qabayaasha u dhashay S/land balse u boholyoobay Shaadhka iyo Shilinka Dawlada Taagta Daran ee Muqdisho iyadoo Qormadan aynu ku soo qaadan doono Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya ee Maxamed Cumar Carte Qaalib .
Ugu horayna Akhriste aynu iswaydiino Su”aalahan, Maxamed Cumar waa sidee dareenkiisu Maalinta Tolkii, Qaraabadiisa,Xigaalkiisa, Saaxiibadiisa, iyo Bulsho Waynta S/land ay u dabaal dagyo lagu waynaynayo Xuska Maalinta la soo noqoshada Qaranimada S/land ee 18 May? Maxaase ku kalifay in uu ka baxo Go”aanka ay Bulshada S/land kula soo noqotay Midawgii Koonfurta Soomaaliya 1960? Kaalintuuse kaga jiraa liiska habaar qabayaaasha u boholyoobay shilinka iyo shaadhka xukuumada taagta daran ee muqdisho ? Talada uu ku tagay Muqdisho miyuu la wadaagaa Aabihii Cumar Carte ? Miyayse farxad galisay mise wuu ka murugooday Cumar Carte iyo qoyskiisu markii wiilkiisu uu ku biiray habaar qabayaasha u boholyoobay shilinka iyo shaadhka dawlada taagta daran ee Muqdisho ? Saaxiibadii faraha badnaa ee uu ku lahaa S/land gaar ahaan Caasimamada Hargaysa waa sidee dareenkoodo ? Xidhiidh noocee ah ayaase ka dhexeeya Saaxiibadii, Qaraabadii iyo Ehelkii uu ku lahaa Gayiga S/land ? Xillka uu ka qaatay Xukuumada Soomaaliya ee ku Xigeenka Raysal Wasaaruhu ma yahay mid u qalma ? Talaabadan uu Maxamed Cumar kaga mid noqday Xukuumada Taagta Daran Ee Muqdisho ma tahay mid baabiinaysa oo masaxaysa taariikhdii Abtigii ,iyo Aabihii Cumar Carte Qaalib iyo Qoyskiisu uu ku lahaa Dalka S/land ?
Dhamaan Su”aalahan Jawaabahoodo waxaan u dhaafayaa Akhristayaasha Qormadan .
Shaki kuma jiro in uu Cadwga Jamhuuriyada S/land hadh iyo habeenba ku hawlanyahay in uu burburiyo ama wiiqo Midnimada Shacabka , Dimuquraadiyada iyo Nabad galyada S/land ku soo caano maashay ,Waana hubaal in uu Cadawga Qaranka S/land Saacad kasta maleegayo shirqoolo dhagaraysan isagoo ay u adeegayaan shaqsiyaad damiir laaweyaal ah oo u dhashay Wadanka S/land oo u boholyoobay Shilinka Dawlada iyo Shaadhka Dawlada Shaqsiyaadkan S/land u dhashay ee xillka u doontay Dawlada Muqdisho ee Ciidamada Afrika maganta u ah ayaa Diiwaanka Taariikheedka lagu xusi doono midkastaa hadimooyinka uu u gaystay Qaranka S/land iyadoo aynu Qormadan manta diirada ku saari doono mid ka mida Habaar qabayaasha u tafo xaytay in ay burburiyaan midhihii ka soo baxay Dhiigii Mujaahidiintii ku naf waayay kuna laxaad waayay Halgankii dib u xoraynta ee SNM ay hormoodka ka ahayd .
Raysal Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo Madaxwayne Xasan SH Maxamuud Xillka u magacaabay 24/1/2015 waxuu ka mid yahay Siyaasiyiinta ku abtirsada siyaasada Aabihii Cumar Carte waxuu xillal kala duwan ka soo qabtay Jamhuuriyadii Soomaaliya ilaa uu darajada ugu saraysa ee Raysal Wasaare ka gaadhay Dadka aqoonta gaara u leh shaqsiyada Cumar Carte waxay ku tilmaamaan Nin Kursi jacaylku madax maray balse Caqli lagu Hogaamiyo iyo Curinba lagu ogayn iyadoo dhaliisha Kursi jacaylku marag looga dhigayo Qaabka ay ku dhalatay iyo Sooyaalka Cali Mahdi oo Madaxwayne noqday ee Raysal Wasaaraha ka dhigtay , Waqtiga uu qaatay iyo Xaalada lagu jiray oo ahayd Waqti kala guura iyo colaad baahsani ay ka dhacday dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadii Soomaaliya waqtigaas oo Xukuumadii Kalidii Taliyihii Siyaad Bare ay burburtay iyadoo Dawladii Cumar Carte uu Raysal Wasaareha ay mudo oo Laba Sanno jirtay ay gabi ahaanba ku guul daraysatay in ay nidaamkii iyo kala danbayntii Dawladnimo soo celiso Dadkana dib u heshiisiin u samayso .
Inkasta oo Taariikhdu ka marag kacayso in ay Dawladi uu Raysal Wasaaraha ka noqday Cumar Carte Qaalib ay ku guul daraysatay soo noolaynta Nidaamkii Dawladnimo ee Jamhuuriyadaii Soomaaliya waxuu mar Labaad u soo Digo Rogtay S/land isagoo ka qayb galay Shirkii beelaha S/land ee Magaalada Boorama 1993 waxaanu isku sharaxay Cumar Carte Madaxwayne inkasta uu ku guul daraystay Geeridii Marxuum Cigaal ka dib waxuu mar kale Cumar Carte ka qayb galay urururadii ugu horeeyay ee S/land yeelato waxaanu yagleelay Ururkii Hormood isagoo Murashax Madaxwayne ka ahaa balse wuu ku guul daraystay in uu u soo gudbo Xisbi Siyaasadeed dabayaaqadii Sanadii 2002 Inkasta oo Waqtiyadan u danbeeyay Cumar Carte uu ku nool yahay Dalka Sucuudiga da”aduna ay u run sheegtay Dadka Aqoonta gaara u leh waxay Xaqiijinayaan in talada uu Maxamad Cumar uu ku qaatay Xillka Quudhsiga ah Raysal Wasaare ku Xigeenka Xukuumada maganta u ah Ciidamada Midawga Afrika ee Xasan Sheekh Maxamuud Soomaaliya uu la wadaagay taladii Aabihii Cumar Carte mar hadii aanu Cumar Carte iyo Qoyskiisu ka dareen celin oo ka hadlin dhabar jabinta iyo xagal daacinta uu kula kacay Go’aankii Bulsho Waynta S/land kula soo noqotay Qaranimada S/land.
La Soco Qormada Labaad Oo Xiiso Badan Oo Aan Kaga Hadli Doono Shirqoolada Iyo Hadimooyinka Uu Ka Wado S/land Dhexdeeda .
Qalinkii Bashiir Daahir Cumar
Wadani ]USA .