Intanan suaasha u bixin, waxaa is xusuusin mudan in gobaladdii Somaliland ee ay diwaagalintu ka soo qabsoontay sii aad uu xamaasad badan gobal walba
Maqaalkan ayaa ka mid ah maqaalada aan ku qaala dhigo arimaha siyaasadda iyo bulshada ee kolba tagaan amaba cakiran. Waxaa kaloo maqaaladaydu yoolkoodu yihiin inay kor u qaadan garaadka siyaasigeena. Maqaalkan ayaa u baxayaa diwaan galinta ka bilaabmatay gobalka Maroodi Jeex. Gobalka Maroodi Jeex ayaa ah gobalka ugu tirada dadka badan dalkeena oo lagu qiyaaso inay ku nool yihiin in ku dhaw 50% dadkeena. Hadaba siyaasin dano gaar ah leh iyo wadaado aqoon gab ah ayaa dacaayada ka dhan ah isdiiwaagalinta gobalka Maroodi Jeex kala horyimid. Hadaba maqaalkan ayaa waxaa uu baxaya, suaasha ah waa maxay cawaaqib xumda la soo darsi doonta daka reer Maroodijeex haday xaqooga
iska duudsiyaan? Waa maxayse samaynta horumarineed ee ay ku yeelan doonto mustaqbalka gobalka/deegamada is diwaan galin waaya?
Intanan suaasha u bixin, waxaa is xusuusin mudan in gobaladdii Somaliland ee ay diwaagalintu ka soo qabsoontay sii aad uu xamaasad badan gobal walba gobalka kale kula tartamay in tirada dadkiisa cudooda muujiyo. Dhamaan gobaladaasii – haday tahay, Togdheer, Saxaiil iyo Awdal si wayn ayaa loogu soo baxay. Waxaa xusid mudan in gobalka Salal ay soo galayeen 40 gaadhi maali walba oo ka imanayey Jabuuti. Taasina waxay horseedi doonta inay dhacdo in gobalka Salal, gaarahaan Saylac inay xubnaha golaha wakiilada ee ka soo bixi doona ay yeelan doonaa sawir gabi ahaanba ka duwan tii doorashada deegaanka oo muran xooga leh galisay cida deegamadaasi maali jirtay. Sababta yaa kaliftay in 40 Gaadhi maalin walba ka soo baxaan Jabuuti – ciddii tiro ugu faraha badan ee golaha wakiilada soo sartaa ay hoosta ka xariqi doonto doonta shegashada gobalkaasi iyo dagmooyinkiisa – Degmooyinka Maroodi Jeexn ee is diwaan galin waayana farta dhexeda ka qaniini doonan.
Diiwaagalinta ayaa waxaa kalo oo ay sawir ka bixin doonta tirad dadka ee gobal ku nool iyo Somaliland guud ahaanba. Waxayna taasi keeni doontaa, marka horumar gobal ama dagmo laga hirgalinayo ama masuuliyiin xilal loo igmanayo in lagu jaan gooyo tirade dadka ee gobalkaasi ee isdiwaan galisay. Hadii Hargeeysa ay isdiwaan galinwaydo, waxay ka dhigan tahay dad xaqoodii iska duudsiyey ama is dulmiyey amabse dhagta dhiiga gawarac iskugu simay. Waxayna noqon doontaa nasiib daro aanu caqligu talin. Taasi waxay horseeddi doontaa in deegamo ka mid ah gobalka Maroodi Jeex horumarkii mustaqbalka deegamadooda ku waayi doonan.
Waxaa kaloo aan aad u la yaabay, wadaad leh ha isdiiwaagalin. Bal waa maxay caqliga ka dambeeya? Aduunka Mulsinka miyaanay arag ama looga sheekayn? Waxaan laga-yaaba wadaadk aqoon gaabka ahi, inuu aduunka kaga xidhan yahay sanduuq madow. Cilmiga diiniga iyo ka maadiga ahba, indheer-garadku waa kii ku dabaqa ama ku turjuma nolasha dadkiisa maalin walba. Maanta wadadkeena , waxaa looga baahan yahay inuu dadka dhaqanka xun ka wacyigaliyo, sida:
1. mukhaadarka qaadka oo ay inagaga baxdo sanadkii $ 1 billion doolar ( Ethiopia ayaa sanadkii $650 miliyan inagaga baxa ganacsiga qaadka, Xoggta Banka Adunka),;
2. qabyaalada, dhaqanka xun ee dalka ku sii badanaya, sida dhilaysiga (prostitution);
3. kala qayb qaato wacyigalinta dadkiisa ee dhinaca horumarka, isduubnaantooda iyo dhisida qaran adag oo dadkiisu yeesho.
Markaa wadadka aqoon gaabku waxa dadku ku kala badbaadayo yaanu ku meeraysan balse haddii inuu dadku dhagaysan karaan ha ku mashquulo inuu wax ka qabto dhaqan xumada. Dadka reer Hargeeysa waa in aanay ogalaan in xaqoodo iska duudsiyaan oo gobaladda kale ee Somaliland kula tartamaan cudooda si ayna xaqooda u waayin.
Jawaabta maqaalku waxay tahay, haddii goblaka Maroodijex isdiwaan galinwaayo waxaa la soo darsi doonta:
1. Cawaaqib xumo ay kaga hadhi doonaa gobalada kale ee Somaliland ee dhinaca horumarka, madama horumarka lagu jaangooya tirada dadka iyo baahida Deegan ka jirta;
2. Iyada oo gobalku waayo siyaasin matala oo xaqa gobalkooda uga soo dhiciya dawlada dhexe – sida deegamadu waayan dadkii marka khayraadka dabiiciga ah laga soo sarayo deegamadooda gorgortan ka gasha si anay dadkoodu u waayin xaqooda;
3. Iyadoo ay diwaan galin laantu carqalad ku noqon doonto aqoonsiga iyo deeqaha aynu caalamka aynu ka helo. Sida, Somaliland oo loo arki doono in tiro ahaan lagu saluugo – Sida iyadoo 4 million lo haysato ay fadhiisato halmilyan iyo badh;
4. Iyadoo gobalku lumiyo xubnihii xaqa uu lahaa inay gobalka/deeganka golaha wakiilda ee Somaliland ku matalilahaa – ninkii aan tashan waa loo talin; iyo
5. waxaa dhici doontaa in jiilka mustqabalku anay saamaxayn danbiga ay jiilka hadu ka galeen oo gobalka/deegamadooda xaga horumarka gobalada kale ee Somaliland kaga reeban.
Farinta aan u diraaya goblka Maroodi Jeex waxay tahay inay is diwaan galinta u soo baxaan oo cudooda mujiyaan siday asxaabta qaranku ku booriyeen . Dabacan doorashooyinkii hore ee dadku saluug ba ka mujiyeen – markay arkeen in dadkii ay doorteen masuliyadooddii gabeen – balse horumarka dabcigiisa tahay in bulshadu adkasyi la yimaadan (resilience) ay yoolkooda ku gaadhan oo anay niyad jabin. Taasiba baa dalalka iyo dadka hore-umaray guusha u horseeday.
Waa Qalkinkii Axmed Cabdi Ciise
Musharax Bahwaynta Bureeqa ee Golaha Wakiilada ee Somaliland
PLESAE EMAIL ME YOUR THOUGHT ON THIS DIERECTLY TO: axmedciise@hotmail.co.uk