Mid iyo laba ma’aha gabdhaha Soomaalida ee ku dhiiranaya in ay ka mid noqdaan dadka aadka looga yaqaano suuqa xayeeysiinta dharka.
Sannadahan dambe ayaa dhalinyarada waxa ay isku dayayaan in ay la jaanqaadaan dadka kale ee ku jira shaqadan ee ka soo jeeda bulshooyinka kale ee caalamka.
Soomaalida kuma cusbo xirfaddan oo dadkii horey ugu sii jiray ayaa waxa ka mid ah Iimaan oo ku biirtay shaqadan 1976-dii , iyo Xaliimo Aadan oo haysata dhalasha Maraykan ah , taas oo sannadkii 2016-ka ka qaybgashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyada ee asturan.
Waxa ay sheegtay in ay rajanayso in ay taa dhiirageliso dumarka kale ee Muslimiinta ah si ay isugu kalsoonaadaan. Gabdho badan oo Soomaali ah ayey Xaliimo u noqotay qof ay ku daydaan.
Taa ayaa ku dhiiragelisay in hablo badan ay ku hamiyaan ka mid noqoshada dadka xirfaddan ku jira.
Daaqad cusub
Si kasta oo ay albaabada isu soo oodmaan, markasta waxaa jiri kara daaqad cusub oo u furmaysa dadka fursadaha raadinaya, daaqadaasna waxa ay noqdeen baraha bulshada , hablo badan ayaa noqdeen meelaha ugu wanaagsan oo uu qof ku soo bandhigo xirfadda uu leeyahay.
Gabdhahan ayaa barahooda bulshada waxa ku taxan dad aad u badan, waxa ayna taa fursad u siinaysaa in ay ku soo bandhigaan waxaabaha ay qabtaan, ayna dharka ugu xayeysiiyaan dadka ay shaqada u sameeyaan , hawshaas oo ay lacag ka sameeyaan.
Gabdhahan ayaa asturan xilliyada ay bandhigyada ka samaynayaan .
Waddanka Kenya oo dhawaan ay gabdha Soomaaliyeed ku qabteen bandhig dharka lagu xayeeysiiyo oo aan ka qeybgalnnay, ayaa waxa aan la kulnnay gabdho ka ganacsada naqshadeynta dharka iyo kuwa dharka xayaysiiya.
Waxa dhamaantood ka muuqatay dhiiranaan iyo raja ah in shaqadooda caalamka laga ogaado.
Iskaalmeysiga gabdhaha
Balse sida ka muuqatay gabdhahan ma aysan helin taageero ku fillan.
Xirfaddana dabcan fursadeeda naadir ayay tahay, waase mid ay jecleysteen oo ay ka go’antahay in ay sii wadaan.
Waa go’aan aan fududeyn maadaama gabdhaha aan kula kulannay bandhiggan ay ahaayeen gabdho waxbartay, balse ay ka go’antahay in xirfaddan ay sii wadaan, taana ma’aha mid fudud, waa mid u baahan dhabar-adeyg iyo samir.
Ikraan Cumar waxa ay ka mid tahay gabdhaha dharka ku xayeysiiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waa 22 sano jir waxa ayna tiri “waxan xirfadan bilaabay anigoo jaamacadda ku jira, haa lacag ayaan ka sameeya balse. Qoyskayga aad ayey iigu dhiirageliyaan , hooyaday mararka qaar waxa ay ii raacdaa bandhigyada si ay taageero iigu muujiso, shaqadan waxa aan u sameeya inan gabdhaha kale ku dhiirageliyo inay noqon karaan kuwa si qurxan u labisan iyagoo welina asturan. Dhibaatada ugu weyn ee aan wajahno ayaa ah inaysan hadda dalka Kenya aysan ka jirin shirkad gaar u ah gabdhaha dharka xayeysiiya, marka shaqa helidda aad ayey noogu adagtahay. Bulshadeenna ayaa u fikirta in gabdhaha wax xayeysiiya ay yihiin kuwa qaawan marka waxan isku dayeynaa inan taa wax ka badelno.”
Gabdhaha dharka loo xayeysiiyo
Bandankood waxa ay noo sheegeen in naqshadaynta ay ku dhalatay kaddib markii ay heli waayeen dhar asturan oo iyaga anfaca.
Xikmadda waxa ay tahay in ay dumarka helaan dhar carsi ah, naqshadihii ugu dambeeyay loo farsameeyay, haddane asturan.
Dadka dharka loo xayeysiiyo ayaanan haysan suuq wanaagsan oo ay ku soo bandhigaan naqshadahooda, taana waxa ay saameysaa gabdhaha xayeeysiinta sameeya.
Badankood waxa ay naqshadadaha ay dharka ka sameeyaan ka soo guuriyaan shirkado caalami ah oo ku iibiya baraha bulshada. Iyada oo awalba dadku u arkayeen in ay ku yartahay curintta naqshadaha dharka.
Qaar ka mid ah ayaa noo sheegay in ay shaqada u sameeyaan si ay ugu dhiirageliyaan gabdhaha kale in iyagoo asturan ay u labisan karaan si ay ku dheehantahay xishood.
Gabdhahan ayaa macaamil ka samaystay dunida dacaladaheeda , taa oo ay u suura gelisay baraha bulshada, balse waxaa jira dad ka cabto dharka ay ka iibsashadan, iyagoo sheegay in mararka qaar loo keeno kuwa aysan jaclaysan.
Shirkadaha soo saara dharka ayaa waxa ay ku dhaliilaan inaysan baahida gabadh Muslim-ka ah aysan kaafini karin.
“In aan aad arrimaha dharka meel ka gaadho ma sahlana, waxayna u baahan tahay in aad niyad u hayso oo qofku uu ka helo waxa uu samaynayo, aniga hooyaday waxay ahayd ganacsato, waxayna ila tahay dhiiganaga ayaa ganacsiga ku shaqeeya. Ayay tiri Nimco Xuseen oo ah gabdh ganacsi dharka ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya kana soo qeybgashay bandhigan.
Bulshada sida ay u arkaan
Bulshada Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid meela kale keenay oo dhaqanka wax u dhimaya.
Waxaa dhacda in waalidiinta qaarkood aysan u ogolaan in gabdhahood ay xayeeysiin sameeyaan.
Sahra Cabdulle, waa mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya waxay hooyo u tahay mid ka mid ah gabdhaha dharka xayeysiiya waxayna tiri, ” waan dhiirageliyaa, waana ku faraxsanahay inay gabadhayda tahay kaliye maysan ku biiran xirashada dharka asturan balse waxay sidoo kale dhiiragelisay gabdhaha da’da yar inay sameeyaan waxyaabaha ay jecelyihiin iyaga oo diinta xushmaynay.”
Caqabadaha kuma eka waalidka oo keliye, balse sidoo kale mahelaan shirkaddo can oo ay xayeeysiin u sameeyaan magacna ay ka dhaxlaan.
Balse gabdhahan ayaa ku adkeysanaya caqabad walbo oo jirta in aysan ka hor istaageeynin riyadooda.
Waxaa waayadii dambe sidoo kale shaqadan xayeysiinta dharka ku soo badanayey wiilal Soomaaliyeed oo xayeysiiya dharka taa ah mid aysan dhaliyarada Soomaalida aysan u badnayn.
Sakariye Cali waxaa dalka Finland tagay asagoo saddex sano jir ah 17 sano kaddibna waxa uu hadda la shaqeeya sharkadaha waaweyn ee dharka xayeysiiya.
Waxaa jira gabdho da’a oo ku soo biira xirfaddan, iyadoo ay jiraan carqalada badan oo ay weli wajahayaan kuwii ka horreeyey.
Sihaam Jamaal, oo 14 sanno ah waxa ayna ka qaybgashay bandhigan dhawaan lagu qabtay magaalada Nairo ee dalka Kenya.
Waxay sheegtay in yaranteedii ilaa hada ay ku hamin jirtay inay ka qeybgasho bandhigan camal ayna rajeynayso inay meel fiican ka gaarto xirfadan ay sida weyn u jeceshahay.