Mar kale ayuu halgankii ruuxiga ahaa ee Sheekh Bashiir ka curtay Somaliland 1944. Inkasta oo uu ruuxda dad badan beddelay halgankani haddana aakhirkii
Somaliland waxa ay dhalatay 1884 – xilligaa se xor ma ay ahayn. Halgan hubaysan oo xornimo doon ah oo uu hoggaaminayo Sayid Maxamed Cabdalle Xasan ayaa ka bilaabmay 1897 gobolka Sool, nasiib-darro waa uu guul-darraystay 1920 halgankii Darwiishku. Halgankii qalinka ee Faarax Oomaar ayaa isna 1900 ka bilaabmay British Somaliland. Halgankaa aqoonyahan Faarax Oomaar oo ahaa mid nabdoon oo qalin iyo aqoon ku dhisan waxa uu gumaystuhu kala hor yimi cabbudhin iyo xadhig. Aakhirkiina sidaa ayuu kaga takhalusay.
Mar kale ayuu halgankii ruuxiga ahaa ee Sheekh Bashiir ka curtay Somaliland 1944. Inkasta oo uu ruuxda dad badan beddelay halgankani haddana aakhirkii ma guuleysan. Halganka Sheekh Bashiir waxa uu ahaa halgan hubaysan. Abwaan Afqallooc, ayaa bilaabay 1943 halgan suugaaneed xornimo doon ah. Barkhad Cas, Cabdilaahi Suldaan Timo-Cadde iyo Cali Sugulle ayaa iyana halgan maanka iyo garashada ah oo suugaantu nuxur u tahay unkay horraantii 1950.
Halgannadaa qalinka, ruuxda iyo maanka, waxa raacay oo dhinac socday halgankii weynaa ee siyaasadda ee SNL oo curtay 1947. Waxa iyana hareer socday dabayshii xornimo doonka ee Afrika – waana sida ay ku timi xornimadii Somaliland ee 1960. Nasiib-darro xornimadii tabaca badan loo soo galay afar cisho ayey ku hallowday, oo midnimo la gu hungoobay iyo jiho qaldan ay madaxa saartay. Halgan Afgambi oo uu Xasan Kayd hoggaaminayo ayaa la gu baadi-goobay 1961 – isna waa uu fashilmay, mar labaad ayaa degta qoriga loo gu qaatay in la soo dhiciyo oo duurka loo galay 1982.
Alle waxa uu ku Guuleeyey SNM in ay soo dhiciso 1991 – waana halka halganka SNM ka noqday ka ugu mugga iyo muca weyn ee taariikhda Reer Somaliland ku suntan. Waayo waa halganka keliya ee guuleystay intii halgan ee dalku soo maray. Markhaatiga guusha halgankani waa Somaliland ta maanta xorta ah, nabadda ah, dimuqraadiga ah, hor-u-socodka leh ee qarannimadu halbeegga u tahay.
Halgannadii 1897, 1900, 1947, 1944, 1950 iyo 1961 Inkasta oo xornimadii 1960 la gu keenay haddana Somaliland iyo dadkeedu toona siyaasiyan kuma ay guuleysan. Waana in dhammaan halgannadaa faraha badan ee lixda ahi ay isugu jiraan qaar barriiqday iyo kuwa ujeeddadii halganka gaadhay se xornimadii ay soo dhiciyeen fiirsi la’aan iyo caaddifadi galalaftay!
Labada halgan ee bilaabmay 1947 iyo 1950 waxa khasaariyey midnimadii aan ka fiirsiga lahayn ee caaddifaddu hoggaanka u haysay. Xornimadii 1960 guul barriiqatay ayey ahayd oo waa tii Xamar inna gaysay ee kub iyo bawdo aynnu kaga jabnay. Halgan ma guuleysan haddii halgan kale uu kuu dhiibo. Waxa taa caddayn u ah in isla 1961 halgan kale Xasan Kayd dameecada yeeshay oo uu afgambi holladay!
Cinqilaabkii saraakiisha waqooyi ee 1961 – ujeeddadiisu waxa ay ahayd in xornimadii dib loo soo celiyo isna la gu ma guuleysan. Halgankii SNM weeye kan guuleystay ee wixi dantu Reer Somaliland ugu jirtay yeelay ee la gu samatobaxay. Halgan guushiisu ma aha in la gaadho oo keliya, waase in ujeeddooyinkiisuna shaqeeyaan oo manficiisa la helo oo xusullada nimcada la ga dharqado. Xornimadii 1960 ummaddu dheef kama ay helin, laakiin halgankii SNM iyo guushii 1991 waa ta maanta weli la hayo. Waa halganka suuro-galiyey dufcadaha jaamacadaha ka soo baxaya, dhaqaalaha kobcaya, magaalooyinka ballaadhanaya, aamminaadda ruuxda iyo garashada maanka ee koraya iyo qaranka dhan ee nabad-galyada, dimuqraadiyadda iyo horumarka ceegaaga.
Inkasta oo halgan dheer oo naf, maal iyo wakhti huris ah loo galay, maanta waa la gu nabdoon yahay – si sharaf ahna intii wada lahayd ayaa wadajir u wada munaafacaadsaneysa. Tartanka madaxnimo waa loo siman yahay oo kan ayaa SNM ah iyo kan ayaan ahayn ma aha xaajo taal. Ogow oo goor iyo ayaan maanka ku hay in halganka natiijada ka dhalataa ay tammariso uu yahay halgan ummadeed ka ugu weyn. Waana sida halganka SNM uu u noqonayo kan ugu weyn dhammaan halgannadii Somaliland ay soo martay. Sababta oo ah guushii uu keenay ayaa ah tan ugu cimriga dheer, halka kuwa kale ay noqdeen qaar guushoodu aaney tisqaadin.
Qalinkii, Mohamed Hagi Mohamoud