Waan Umahadcelinayaa Maayirka Hargeysa Garashadiisa, balse….Maxamuud walaaleeye.
Salaanta islaamka ka dib, ummadii aan qofkii waxtara u mahadcelin, ILAAHAY SW uma mahadceliso Aadmiga kale, sannad walba muwaadiniintooda ama qofkii ajaanib ah een dalka u dhallan ee bulshada waxtara, sannad walba way maamuusaan, taasoo ugu yaraan keenaysa in qofku dhiirigelin iyo dardar cusub ay gelinayso, isla markaana ah tallaabo caqliga saliimka ahi inna farayo.
Xadiis saxeex ah oo Abu-Hurreyra ka weriyey Nebi Muxammed NNKH ayaa macnahiisu ahaa “Qofkaan dadka u mahadcelin-ILAAHAY SW uma mahadceliyo” oo inoo tilmaamaysa qofka ama ummada aan qofkooda wax-u-tara aan u mahadcelin, xaalkiisu sidaa u weyn yahay! Maanta, ummada Somaliland madax iyo riciyad (shacab) aniguna aan soo gelayo, waa nasiibdarro, inna wada dulsaarnayd, muddo lixdan sannadood ku dhow, sheekadan hoose markaad eegto;
Maxamed Xaashi Qowdhan oo ah Aabbe Samafale ah, da’diisuna tahay 120 sano jir, “ILAAHAY SW cimriga iyo caafimaadka ha u barakeeye,aamin), wuxuu muddo gaadhaysa 60 sannadood, si tabaruc ah ugu khidmaynayey ummadiisa, isagoo si isxilqaana uga shaqaynaya mudaddaa dheer qurxinta waddooyinka magaalada Hargaysa, xilligana ay jiraan goobo buuro ahaa oo intuu waddooyin ka bilaabay, ka dhigay kuwa bulshadu adeegsato, illaa maanta oon maqaalkan aan kaga hadlayo qorayana, weli ku jira hawshaa, balse nasiibdaro, aan weli ka helin ummadiisa, waxtar ha joogtee, abaalcelin, hadday tahay, xukuumadahii ama Maayeradii soo maray caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, 30-kii sannadood ee dib loola soo noqday xornimada, iyo bulshada guddo iyo dibed, gaar ahaan kuwa Caasimada.
Samafale Maxamed oo la sheegay inuu hawshan u bilaabay ajar uu ILAAHAY SW kaga dalbanayo awgeed, inkastoo Sheekh Cumar Yuusuf (ILAAHAY SW ha u naxariisto, isaga iyo ummada islaamka intii geeryootay) oo rafiiq dhow ay ahaayeena kula taliyey intuu noolaa, ayaa xogo la xidhiidha waayahiisu u dhigan yihiin sidan;
“Wuxuu hawshan is-xilqaanka ku jiray muddo ku dhaw 60 sannadood, isagoo maalin walba mudaddaa shaqada bilaaba marka Salaadda Subax la tukado kadib, isagoon lahayn raxawaad, balse shaqada dhameynteedu ku xidhan tahay, hadba wakhtiga uu dhameeyo, taasoo mararka qaarkood ku gaadha Salaadda Cishaa’i, wallow, sannadahii u dambeeyey, oo awoodiisi jidh ahaan soo dabartay, uu shaqada joojiyo Salaadda Makhrib horteed.
Shaqadan is xilqaanka ah ee uu qabto waxa uu ku doortay in ALLE agtiisa uu ajar kaga helo, bulshaduna kaga baxdo waddo la’aanta, si ay mustaqbalka jidadka uu sameeyay iyo kuwa uu banneeyayba ay noqdaan wax jiilba jiil ka dhaxlo.
Sidoo kale, shaqada uu hayo waxa kula dardaarmay ALLE haw naxariiste Sheekh Cumar Yuusuf Faarax, oo ay saaxiibo dhaw ahaayeen, oo ku yidhi ‘Maxamed Xaashow adiga waxaan kugu ogahay waddooyinka! xilligaa iyo maanta-na sidii ayuu shaqadaa u wadaa.
Waddo kastoo uu bilaabo illaa uu dhammeystiro kama tago, ILAAHAY SW wuu ku garab-galaa, kuna guuleeyaa, taasoo, qalabka kooban ee uu u adeegsadaana yihiin Kaariyoone, Faraley, Sabarad hawl maalmeedkiisa shaqo.
Waxa uu ka soo shaqa taga xaafada Sheekh Cumar oo magaalada Hargeysa u jirta 9-km, maalmaha qaar wuu soo lugeeya, halka mararka qaarna wiil uu dhalay uu soo qaado.”
Haddaynu intaa ku dhaafno sooyaalka waxqabad ee Samafale Maxamed Xaashi, ayaanu dhinaca kale mudaddaa lixdanka sannadood ku dhow ee uu shaqada ku dayactirayey waddooyinka, kuwo cusubna ku dhisay xoogiisa, xilligana ay adeegsadaan bulshada Hargeysa oo hore waddo la’aan u haysatay waddooyinkuu dhisay, ayaanu horreyso iyo dambayso, midna helin cid uga mahadcelisa, iska daa, waxtar kale, sida qalab iyo gaadiid u fududeeya gudashada shaqadaa kheyriga ah.
4 December 2021, ayay ahayd markii u horraysay ee Maayerka Caasimada Hargeysa Mudane. Cabdikariin Axmed Mooge uu guddoonsiiyay shahaado sharaf ay ku maamuuseen maamulka iyo macalimiinta Biritish School ee magaalada Hargeysa., halkaa soo Maayer Cabdikariin, oo ugu mahadceliyey waxtarkiisa, ku ballanqaaday kulankaa inay Dawlad hoose Hargeysa ahaan ku abaalmarin doonaan waxtarkiisa, isla markaana mushahar u qori doonaan, dhul nus-balloodh ah oo la siiyeyna Gurri Dawladda Hoose uga dhisi doonto, hawshaana dhamayn doonaan ka hor maalinta la abaalmarinayo shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa. Waxaanu Maayer Cabdikariin yidhi, “Waddanigan Maxamed Xaashi Qowdhan, maanta 4 Dec 2021, ayey warbixintiisu I soo gaadhay, wuu iga sharaf badan yahay, wuxuu qabanayaa shaqo aynaan qaban Karin, kuna qabta da da’ aynaan ku qaban Karin.”
Isagoo raaciyey, “Daryeel iyo mushahar wuu naga helayaa. Awoowgay Cabdillahi Cirro, ILAAHAY SW khayr ha siiyo, dhul nus-baloodh ah ayuu siinayaa, annaguna Dawlad Hoose Hargeysa ahaan , waanu u dhisnayaa gurigaa, weliba degdeg.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Maayir Cabdikariin maalintaa.
Inkastoo aanay Dawladda Hoose ee Hargeysa ballanqaadyadii ay u sameysay Samafale Maxamed ay wax ka fuliyeen, qeybna weli laga sugayo, wuxuu mudan yahay Maayer Cabdikariin, mahadcelin, maadama uu noqday masuulkii u horreeyey mudaddaa lixdanka sannadood ah garashadiisu siisay inuu qiimeeyo waxtarkiisa, kana abaalceliyo.
Diinta islaamku waxay dhiirigelisay waxtarka ummada, sida Xadiis Nebi Maxammed NNKH oo macnahiisu ahaa “Qofka idiinku wanaagsan, waa ka dadka ugu waxtarka badan”, haddaba, waxaan ugu baaqayaa naftayda iyo ummada Somaliland, guddo iyo dibed iyo xukuumada inay u istaagaan ka abaalcelinta waxtarkaa lixdanka sannadood Samafale Maxamed Xaashi Qawdhan oo dad’iisu tahay 120 sannadood u qabanayey, welina u taagan yahay, kuna abaalmariyaan waxuu ka mudan yahay, hadday tahay muunayn, iyo madal madaxda ugu sarreysa dalka iyo acyaanteeda iyo culumaa’udiinkeedu wadajir ugu mahadceliyaan, uguna abaalcelinyaan waxuu mudan yahay, ILAAHAY SW ha inna garansiiyee, aamin.
Haddaba Samafale Oday Maxamed Xaashi Qawdhan oo muddo 60 sano ah sama fale inoo ahaa isla markaana bulshada Caasimadda Hargeysa u furay waddooyin badan oo ay maraan innagama geyo in aynu xawaare ku dhaafno oo aynu ugu abaal gudno in aan boodh iyo siigo ku kicino isagoo innaga inoo adeegaya laakiin wuxuu mudan yahay in lagu qiimeeyo waxtarkiisa isla markaana qaran iyo bulshoba loo abaal gudo.
Qore: Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleeye)